Duuliye Khatar Galiyey Dayaaraddii Uu Waday Ka Dib Markii Uu Sigaar Ku Dhex Cabay.

0
56

Hargeysa, 14, 2018 (Kaafimedia) – Mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Hay’ado Ajaanib ah oo uu hoggaaminayey Agaasime ka socday Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubba-land ay kormeer ka sameeyeen Somaliland.

Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka qayb-qaadanayey Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda Somaliland, ayaa sheegay in Saddexda Hay’adood ee Kormeerka ka sameeyay gudaha Somaliland ay wadeen qorshe ay ku eegayeen sida Maamul-gobolleedyada Soomaaliya ay Caafimaadka uga shaqeeyaan, sidaasi darteedna iyaga oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay Maamullada Soomaaliya ay yimaaddeen Hargeysa isla-markaana uga sii gudbeen Gobolka Saaxil, iyaga oo uu hor-kacayo Agaasime ka mid ah Maamulka Jubba-land, kaasi oo aan iska imanin ee ku yimid Casuumad uu ka helay mid ka mid ah Wasaaradaha Somaliland.

Xildhibaan Dirir oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Jecelahay inaan Tusaale yar bixiyo oo aad ka Tusaale qaadataan, bishii ina dhaaftay ee May lixdeedii waxa dalka yimid Saddex Hay’adood, mid waxay ahayd BSI, midna waxay ahayd HPA, midna waxay ahayd Tour Care, Hay’adahaasi waxay qiimaynayeen sida Maamul-gobolleedyada (Soomaaliya) ay Caafimaadka uga shaqeeyaan, Saddexdaa Hay’adood waxa hor-boodaya (Wada) Agaasimaha Guud ee Jubba-land, halkan bay soo mareen (Hargeysa) waxayna ku socdeen Gobolka Saaxil.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Agaasimaha hoggaaminayey Weftiga ka socday Saddexda Hay’adood uu Somaliland ku yimid Casuumad uu ka helay mid ka mid ah Wasaaradaha Somaliland “Agaasimaha Jubba-land iskamuu imanin ee wuxuu ku yimid Casuumad Wasaaradeed, markaa aynu kala deyno Dawlad Madax-bannaan baynu nahay oo Somaliland-baa lana yidhaahdaa, Soomaaliyana kama mid nihin, haddana hoosta aanu ka noqono Maamul-gobolleed, waxaan leeyahay adeer taasi ma shaqaynayso.”

Ugu dambayn, Xildhibaan Dirir uu sheegay in siyaasadda Arrimaha dibeddu inta ay ku salaysan tahay dib u curashadii Somaliland ee ka soo bilaabantay 1991-kii  aanay  Somaliland u soo jiidi karin ictiraaf, sidaa darteedna dib loogu laabto lixdamaadkii oo Somaliland Madax-banaanideeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska.

Kaafimedia network