Ciraaq: Bandoo lagu soo Rogay Gobolka Basra oo Mudaharaaddo ka socdaan.

0
49

Masuuliyiinta Ciraaq ayaa bandoo ku soo rogay magaalada Basra lix maalmood oo ay koonfurta dalka oo dhan mudaharaado ka socdeen.

Ra’isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa shaaciyey in xukuumaddu sii dayn doonto miisaaniyadda loogu talo galay in wax lagaga qabto biyaha, laydh tiriigga iyo adeegyada caafimaadka ee Basra.

Mar sii horraysay ayaa maamulku waxa ay xayireen adeegsiga baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka, waxaana heegan sare la geliyey xoogagga nabad gelyada.

Dhawr qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen shaqaaqooyin ku dhex maray Basra iyo magaalooyin kale dadkii dibad baxayey iyo ciidamada nabad gelyada.

Mudaharaadadan waxa kiciyey cadho ka dhalatay shaqo la’aan ka taagan gobolka oo haysata dhalin yarada badankoodka. Waxaanay wararku intaa ku dareen in Ciraaq muddo kooban xidhay xadka gobolka Basra la leeyahay dalka Kuwait.

bbc

kmn