Liiska Mudanayashaasha Goboladda Awdal iyo Salel ee Ka Hor Yimid Galista Doorashadda Golaha Wakiiladda Somaliland.

0
48

Hargeysa (KAAFIMEDIA)Xildhibaanada Golaha wakiiladda ee gobolka Awdal ayaa bulshadooda ugu baaqay inaanay galin gabi ahaanba doorashada golaha wakiiladda Jamhuuriyadda

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye kana mida mudanayasha golaha wakiilada ee gobolka Awdal ayaa shaaca ka qaaday inaanay diyaar u aheyn inay wax doorasho ah galaan iyaga iyo bulshada ay ka soo jeedaanba isagaa oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Halkan waxaanu u fadhiina arrinta saami qaybsiga arrintaasi markii hore sida doorashada lagu waxaa ay aheyd shantii degmo oo gobolo noqday iyo Berbera oo lagu dhutay 2.5 xukuumadda waxaan ka codsaneynaa in ay qabato tirikoobkii lagu galilahaa doorshada mudo saddex biloodana haku qaadatee, hadii ay qabanweydoo oo sidaasi lagub galayo anagu hadii aanu nahay gobolka Awdal tijaabo danbe galimeyno, dadkayagana waxaanu u sheegayna in aan tijaabo danbe oo tiiyo kale ahi aanay jirin siday doonto haw dhacdee, taasi ayaanu anagu caddeynaynaa gobolada kalena waa nala mid, oo ninkasta uu cabanayo, sidaasi darteed hadii aanu nahay waxaa naga go’an inaan galin wax doorasho ah”

KMNW.