Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Warramay Halka Madaxweynaha Puntland Ka Tagaan Yahay Khaatumo Iyo Beesha Sool & Buuhoodle.

0
122

Buuhoodle, 16july, 2018 (Kaafimedia ) – Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa si faahfaahsan uga hadlay siyaabaha keenay in aanay Wada-hadallo la mid ah kuwa Somaliland la furan Maamul-gobolleedka Puntland.

Prof. Galaydh wuxuu ka warramay in dhowr jeer ay Shirar gaar gaar ah yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), balse uu Cabdiweli u muujiyey in aanay Beeshiisa Majeerteen aanay ogolayn in loo wada-hadallo Khaatumo iyo Puntland ahaan, balse ay ogol yihiin in loo wada-hadallo Khaatumo iyo Majeerteen, taasina tahay ihaano loola badheedhay Kooxda Khaatumo, sidaasi darteed ay door-bideen inay Wada-hadallo nabadeed la furaan Somaliland oo uu tilmaamay inay ogolaatay in loo wada-hadallo Khaatumo iyo Somaliland.

Galaydh oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Buuhoodle oo uu ku sugan yahay, ayaa sheegay in Shacabka Puntland aanay dadka Sool iyo Buuhoodle ku eedayn Karin inay ka baxeen Walaalnimadii iyo Ehelnimadii Xagga Abtirsiimada, maaddaama buu yidhi aanay aqoonsanayn Khaatumo, waxaanu yidhi “Puntland naguma eedayn karto oo ma odhan karto Dadkaasi wixii la isku ahaa, Abtirsiimadii iyo waxyaabihii xilliyada adag oo kale meel looga soo wada jeedsan lahaa ayaa la nagaga baxay oo waa lana hagraday, Waayo? Cidda tidhi Wada-hadal ayaanu diyaar u nahay oo Warbaahinta ka sheegtay oo Adduun-weynaha u sheegtay waxa jirta Somaliland, Somaliland sidaas ayaanu Wada-hadalladeedii u bilownay.”

Galaydh wuxuu ku dooday inaan Dadkiisa waxba looga ogolayn Puntland, isagoo taasi ku sababeeyay in Beel keliya isku koobtay Maamulkaasi oo dhan “Puntland oo aanu dhismaheedii ka mid ahayn (Waxba la noogama ogola), Sababta oo ah Waxaaban laga dhamaanayn Maxamuud Saleebaan (Majeerteen), imika waxay wax u qaybsadaan oo Cid kale looga ceshiimaystay sow maaha Maxamuud Saleebaan uun wax geya, Madaxweyne-nimada iyagaa geya, Maamulka (intiisa kalena) toorno ayaaba loo galay (kuyuu), Cabdillaahi Yuusuf baa bilaabay (Madaxweynihii u horreeyay ee Puntland), Cadde ayaa ku xigay, ina Faroole ayaa ku xigay, Cabdiweli Gaas ayaa ku xiga, bal u fiirsada, haddana waxay dib ugu noqonaysaa Cismaan Maxamuud. Xamar markii ay soo noqnoqdeen Cabdirisaaq iyo Cabdirashiid (Dawladihii Soomaaliya ee Lixdamaadkii) ayaa qolyaha Shirabka Warkooda ku dhamaystaa yidhaahdeen ‘Mar waa Rasaaq, marna waa Rashiid ee inta kale ma Rooti-baa’ ?, markaa haddii dhab la rabo meel Dadkan (Reer Khaatumo) uga banaan (Puntland) ma jirto, inta joogtaana siday ku joogto waanu naqaaanaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Anaga iyo Somaliland waxa naga dhexeeya Annagaa go’aansanay, halkay noo maraysana waanu naqaanaa, wax Aanaan Annagu ku qancina Cid na marin kartaa ma jirto, bal Car Puntland intaa haka yidhaahdaan (kuwa joogaa) Waar Puntland-neey maxaad horta noo haysaan…”?

Hoggaamiyaha Khaatumo wuxuu sheegay in mar ay isaga iyo Madaxweynaha Puntland kulmeen uu xaqiiqsaday inaan reer Khaatumo waxba u oolin Puntland, “Waagii aanu Burtinle iskugu nimid Cabdweli Gaas, waxa yaabka leh waxa weeyaan Cabdiweli Gaas wuxuu yidhi ‘iskuguma iman karno Dhulbahante iyo Majeerteen ahaan oo Majeerteen igama ogola, Khaatumo iyo Puntland-na iskuguma iman karno, ee waxaynu iskugu imanaynaynaa Cumar Maxamuud (Jilib ka mid ah Majeerteen) iyo Khaatumo.”

Kaafimedia Hargeisa Office.