Salaadiintii Iyo Ganacsatadii Reer Somaliland Ee Garowe Safarka Ku Tagay Oo Doraad Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa,Kana Hadlay Ujeeda Socdaalkooda Iyo Arimaha Ay Puntland U Tageen.

0
59

Hargeysa(Kaafimedia) – Salaadiintii iyo Ganacsatadii reer Somaliland ee sida kedis ah todobaadkii hore safarka ugu baxday Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay Somaliland colaad dagaal ka dhexayso ayaa shalay ku soo laabtay Magaalada Hargeysa,waxaanay ka hadleen Ujeeda Safarkoodu daarnaa,Waxa ay sheegeen inay iskood isku xilqaameen islamarkaana ay ka shaqaynayaan Nabadgalyada labada Dad,Waxa ay sidoo kale sheegeen inay ku talo jiraan in Maxaabiistii dagaalka lagu kala qabsaday la iswaydaarsado,Balse warar Wargeyska Foore helay ayaa iftiimiyay inay kooxdani dabada ka riixayaan Ganacsato reer Somaliland oo Puntland dhexdeeda Ganacsigooda looga hanjabay,waxaanay u ololaynayaan in Ganacsiga iyo Khilaafka taagan lakala saaro.

Ganacsade Jamaal Caydiid oo kooxdaasi la socday islamarkaana Shalay Warbixin gaar ah ku siiyay Garoonk Cigaal ee Hargeysa Wariye Badri Koosaar ayaa Waxa uu yidhi“Halkan waxaanu ku taaganahay Kooxdii uu hogaaminayay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka kooban Salaadiin, Odayaal,Ganacsato,Dhakhaatiir iyo Aqoonyahanno kale,Waxaanu safar kooban oo nagu qaatay Afar maalmood aanu ku maqnayn Garowe,Safarkaasi oo aanu ugu tagnay safar Nabadgalyo,waxaanu soo noqonay Maanta(Shalay),Runtii Guul iyo si wanaagsan ayuu noogu soo dhamaaday,Safarkasi waxaa ka horeeyay safar hore oo intayadan in leeg oo dhigooda ahi ay Garowe nooga yimaadeen,oo ay ka hadlayeen intaa aanu maanta ka hadalnay oo ah in Umadda Nabadgalyo iyo Isfaham Madax iyo Minjaba la iskugu soo dhaweeyo,oo aanu isla qaadanay ayay jawaabisteedii tani ahayd,runtii si qiimo leh ayay Madax dhaqameedkii,Culimadii iyo Wax garadkii ay noogu soo dhaweeyeen Garowe”.

Waxa kale oo uu yidhi“Qodobada mihiimka ah ee aanu isla qaadanay ee aanu ugu talo galnay Saxaafada,iyadoo aanu u warami doono Xukuumadda Somaliland Haddii Alle yidhaahdo,ta hore waa Taasi Mahadnaqa,Ta-labaad waxa weeyi in la wado Geedi socodkaasi Nabadda,oo Nabad raadinta aanu ka shaqayno si loo badbaadiyo Dhiigga dadka walaalaha ah ee Daadanaya,oo nabad iyo isfaham iyo wada hadal lagu dhameeyo wixii Khilaaf ah ee hadda jira,Wax walba oo sii abuuraya kala fogaansho iyo isnacayb sida wararka la isku mariyo Warbaahinta noocyadeeda kala duwan taasi oo run iyo beenba u badan,waxaana runtii marag madoon ah in anagayagii Wadahadalka iyo Nabadda wadnay in loo turjumay waxaanan meesha la tagin,oo gobanimaddii lanagu soo dhaweeyay loo badelay waa la qaabili waayay iyo waa la caayay,”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxa kale oo aanu isla garanay in dadka lagu wacyigaliyo in lakala guro Soomaalinimada, Wada dhalashada iyo in isnacaybka laga fogaado,oo Khilaafka Dawlada iyo Siyaasiyiinta ka dhexeeya loo daayo cidda ay khusayso,waxa kale oo aanu ku heshiinay in lagu wargaliyo oo laga wada shaqeeyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hogaaminayo Mudane Muuse Biixi iyo Maamul Goboleedka Puntland ee uu wakiilka ka yahay Cabdi Cali Gaas oo loo sheego oo aanu ka dhaadhicino in la iswaydaarso in Maxaabiis wixii lakala hayay oo aanu Madaxweyneyaasha ka barino in la is waydaarsado, taasi oo abuuri karta Jawi Nabadgalyo iyo Jawi Kalgacal,wixii intaasi dhaafsiinana aanu ka shaqayno sidii looga wada hadli lahaa arimaha hadda taagan”.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay oo ku saabsan ujeedada hoose ee ka dambaysan Safarka Kooxdani ku tagtay Garowe ayaa noo xajiiyay inay ujeeda dhaq dhaqaaqoodu ka abuurmay kadib markii ay dad caadifadaysani dhawaan Garowe ku qabteen shir jaraa’id,islamarkaana ay u hanjabeen qaarka ka mid ah Shirkadaha ay leeyihiin Ganacsatada Waa weyn ee reer Somaliland ee Xarumaha Puntland, iyagoo ku eedeeyay inay dagaalka Tukoraq qayb ka yihiin oo ay dhinaca Somaliland ka soo hurinayaan waxaanay taasi keentay inuu dhaq dhaqaaqani yimaado oo uu abuuro,sidaa darteed waxa ay wararkani sheegayaan in kooxdani Hawshoodu Ku Taxaluqdo In Ganacsiga Iyo Dagaalka Tukoraq Lakala Saaro,islamarkaana aan la siyaasadayn Ganacsiga ee sidiisa loo daayo.

Foore

Kaafimedia