Madaxda Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Oo Si Wada Jira Uga Warbixiyey Hawlaha Shaqo Ee Wasaaraddu Qaranka U Qaabilsan Tahay.

0
115

Hargeisa(Kaafimedia)Masuuliyiinta wasaaradda arimaha dibadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa ka hadlay shaqadda ay wasaaraddu qaranka Somaliland u qaabilsan tahay iyo sida ay wasaaradda uga go’an tahay inay keento Ictiraaf raadinta 27-ka sanno lagu raad joogo iyo maalgashi iskaashi dhaqaale ay dawladda Somaliland ka hesho waddamadda kala duwan ee Caalamka.

Shir Jaraa’id oo shalay ay Xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalialnd ku qabteen, masuuliyiinta u sareeya wasaaraddaasi ee kala ah Wasiir Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeen md Liibaan Yuusuf Cismaan, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogta Qaranka ee Somaliland md Cabdicabdilaahi Xirsi, Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi aqoonyahan Cabdinaasir Axmed Xirsi,  Afhayeenka Wasaaradda agaasimaha waaxd isgaadhsiinta  iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaraddaasi, ayaa si balaadhan u soo bandhigay shaqadda  ay qaranka  Somaliland wasaaraddu qaabilsan tahay oo Ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii maalgashi Caalami ah qaranka loogu keenilahaa ugu muhiimsan yihiin, waxaana sido kale madaxda wasaaraddu ka hadleen farogelinta iyo hagardaamooyinka ay maamulka Xamar ka taliya ee Somaliland shir qoolada siyaasaddaysan ku hayaan mudooyinkii u dambeeyey dhaqaalaha uu caalamku ku taageero ee sida tooska ah loo siiyo Somaliland iyo maamulka hawadda Somaliland ee ay faro gelinta qaawan ku hayaan.

Kaafimedia Hargeisa Office.