Eritrea Oo Ciidammadeeda “Kala Baxday” Xadka iyo Sababta Keentay.

0
64

Asmara (Kaafimedia) Dawladda Eritrea ayaa ciidammadeeda kala baxday xadka ay la leedahay Eritrea, iyada oo muujinaysa taageerada ay u hayso dib u heshiisiinta, sida ay Facebook ku baahisay warbaahinta Eritrea Press oo dawladda la jeel ah. Haddii ay run noqoto ciidammada lala baxay, waxay noqon doontaa hormar wayn oo laga sameeyay hannaanka nabadda ee labadaas dal u saamaxay in ay soo afjaraan colaaddii dhex taalay labaatanka sano. Dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux ayaa ku dhintay dagaalkii labadaas dal dhexmay 1998 ilaa 2000, kaas oo salka ku hayay cidda gacanta ku haynaysa Badhume. Guddi xadayn oo taageero ka haystay Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay 2002 in Itoobiya ay Eritrea ku wareejiso Badhume.

Itoobiya ayaa arrintaas diiday intaas wixii ka dambeeyayna labada dal waxay galeen xaalad aanay dagaalna ka dhex jirin, nabadina dhex oolin. Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ballan qaaday in uu ku wareejin doono deegaankaas, balse ma cadda goorta ay arrintaasi dhici doonto iyo goorta ay dib u bixi doonaan ciidammada Itoobiya ee xadka ku dhereran.

KMNW