Hooyo Wiilkeeda Lagu Haytso Dalka Liibiya Oo Iyadoo Ilmaynaysa U Qaylo-dhaamisay Dadweynaha Reer Somaliland

0
146

Burco, 21 Juulaay, 2018 (KAAFIMEDIA) – Foosiya Axmed Maxamed oo ah Hooyo ku nool Magaalada Burco, ayaa Dadweynaha reer Somaliland ka codsatay in laga caawiyo sidii Wiil ay dhashay looga soo deyn lahaa Dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku haystaan Kooxaha Dadka Tahriibiya.

Warka TahriibkaHooyo Foosiya oo Shalay iyadoo ilmaynaysa la hadashay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegtay in bishii shannaad ee sannadkan Wiilkeeda laga Tahriibiyey Magaalada Burco, isla-markaana muddo lagu hayey Dalka Yemen, balse 17-kii Maalmood ee u dambeeyay uu ku sugnaa Dalka Liibiya, halkaana ay kala soo hadlayaan Magafeyaasha gacanta ku haya oo inta ay Garaacaan Wiilkeeda ka dalbanaya inay u dirto Lacag dhan 9 Kun oo Dollar, lacagtaana aanay awood u lahayn, sidaasi darteedna u baahan tahay in la caawiyo.

Hooyo Foosiya oo arrimahaa ka hadlaysa ayaa tidhi “Waxaan ahay Hooyo dhibaataysan, inaan aan dhalay oo Magaciisu yahay Axmed Cabdillaahi Iimaan ayaa laga kaxaystay Magaalada Burco, waxa kaxaystay Niman la garanayo oo reer Burco ah, waxay u geeyeen Magafe, imika waxa la igu yidhi 9 Kun oo Dollar ayaa loo haystaa Inankaagii, hadh iyo Habeen wuu ooyayayaa, sababta oo ah wuu jajaban yahay oo Gaadhi baa la dhacay, Aniguna wax Alaale iyo wax aan haystaa ma jirto.”

Hooyadu waxay sheegtay in Wiilka Aabbihii oo reer Soomaaliya ahaa uu Geeriyooday, iyadana ehelkeedu ka mid ahaayeen Dad ku dhintay Dagaalladii Sokeeye ee Somaliland ka dhacay Sagaashamaadkii, sidaasi awgeedna aanay lahayn Cid ehel ah oo garab joogsata “Dadkii Maanta isaga garab u ahaan lahaa waa Dadkii ku dhintay Dagaalladii sokeeye, Wiilka Aabbihiina wuu dhintay oo wuxuu ahaa Nin Koonfur ka soo jeeda, Anigana Dadkaygii way dhinteen, markaa Ummadda waxaan leeyahay ‘Hooyo gubanaysaan ahaye ha la ii soo gurmado..”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Imika wuxuu maqan yahay laba bilood oo dhadhow, markii hore waxa lagu hayey Yemen, laakiin 17-kii Maalmood ee u dambeeyay ayuu ka soo hadlayey Liibiya, markaa Dadka Muslimka ah waxaan ka codsanayaa inay i soo caawiyaan..”

Kaafimedia