“Shaw Dalkaba Intii Ugu Mucaaridsanaan Jirtay Intayadii SNM-ta Uun Baanu Ahayn, Maantana Waxoogaa Ka Meermeeris Ahi Way Iska Jirtaa Qabyaalad Maaha Haday Tahayna Waa SNM-nimada e’ Dareema.”

0
50

Cali Guray Oo Saddex arrimood Usoo Qaatay sababta Uu u Mucaaridiwaayay Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Cali Guray Waxa uu ka hadlay aragtidiisa kulankii  Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha UCID Feysal Cali Waraabe ku dhex maray magaallada Brussels iyo sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland

“waxaan ogaaday shaw dalkaba intii ugu mucaaridsanaan jirtay intayadii SNM-ta uun baanu ahayn, raggii iga hadalka adkaa ee Ibraahim Dhagaweyne ahaa ee Maxamed Xaashi ahaa maanta wadaadka way ka baydhbaydheenoo labadaas Askari (Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin) waxoogaa ka meermeeris ah way iska jirtaa, taasina qabyaalad maaha haday tahayna waa SNM-nimada e’ dareema.” Cali Guray.