Somaliland: “Waddan Qaran Ah Oo Ka Duwan Dalal Aqoosiga Haysta’’ The Guardian..

0
103

Hargeisa (Kaafimedia)Qoraa ka tirsan Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Britain, ayaa waxa uu soo bandhigay maqaal dheer oo uu kaga hadlay wixii uu Somaliland ku arkay. Waxa uu ka hadlayaa Sooyaalkii hore ee Somaliland iyo wakhtigan waxa uu ku arkay.

Qoraaga, maqaalkiisa oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu ku bilaabay sidan ‘’Markaad Somaliland joogto, su’aali kama joogto in aad joogto wadan xaqiiqo ah (Real country), waxa uu dhamaystirna wixii wadan lahaa oo dhan’’ sidaa waxa yidhi Joshua Keating oo Jimcihii shalay maqaalkan ku daabacay wargeyska caanka ah ee The Guardian. Keating waxa uu yidhi markii aan ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa, sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka oo ku lebisan dirayskii u gaarka ahaa ayaa hubiyey dal ku galkaygii, ama fiisahaygii. Dal ku galka ama fiisaha waxaan ka soo qaatay Washington DC, waxaana soo saaray qunsulka Somaliland ee Washington. Waxa i qaaday Taxi leh sumadda Somaliland, kaas oo aan ku bixiyey Somaliland shillin.

‘’Waxaan soo maray dalal badan oo Geeska Afrika ah, iyo kuwo kale oo xitaa Somalia ku jirto, waxaan la yaabay sida ay Somaliland u shaqaynayso iyada oo Sabool ah, xitaa marka loo eego wadamada aan aqoonsiga haysan ee dunida way ka duwan tahay, waa dal dhamaystiran oo laakiin dhinicii siyaasada go’doonka kaga jira.

‘’Koonfurta Sudan ayaa ah dalkii ugu danbeeyey ee madax bannaani qaata, laakiin Somaliland arrinteedu ma aha sida Koonfurta Sudan, sababta oo ah Somaliland arrinteedu ma aha xuduudo dib loo xadaynayo, ee waa xuduudihii gumaysigu dhigay, sidoo kale waa xorriyad ay dib ula soo noqonayaan’’, ayuu leeyahay Qoraagani.

Joshua Keating waxa uu leeyahay Somaliland sida loo tegi karaa way fududahay, waxaad toos ugu duuli kartaa Dubai iyo Adis Ababa, dhinaca amniga waxaan marar dhowr ah maqlaa Maraykanka oo dadkiisa uga digaya in ay safraan, laakiin markaad Somaliland tagto, waxaad markiiba ogaanaysaa in taas aan loo baahnayn.

Hargeysa waxaan ku tilmaami karaa magaalooyinka ugu amaansan Afrika. Inkasta oo gaadiidka iyo dadkuba ku badan yihiin wadooyinkeeda, markaad dhex lugaynayso cidba ku dareemimayso. Waxa kale oo aad dareemaysaa in aan argagixisadu wax shaqo ah ku lahayn, inkasta oo mar hore oo la soo dhaafay ay laba fal ka fuliyeen, sanadkii 2004 iyo sanadkii 2008.

Baddaha Somaliland iyo xeebeheeda ayaan sidoo kale, buddcad baddeedu ka hawl gelin weligeed’’.

‘’Waxa u weyn ee aad Hargeysa ku arkaysaa, waa Diyaaradaha dagaalka Miig (Mig fighter plane) oo run ah oo laga taagay badhtamaha magaalada, diyaaradaas Miiga ah waxay ka qayb qaaday dagaalladii hogaamiyihii Milateriga ahaa ee Siyaad Barre ku qaaday Somaliland, dadka reer Hargeysa markaad weydiiso waxa ay u taagan tahay, iyaga oo ku qanacsan ayey kuu sheegayaan in magaaladooda ay ka mid tahay meelo yar oo adduunka ah oo la duqeeyey oo ay burburiyeen diyaarado weerarka ka soo qaadaya isla magaaladaas. Dhacdadu waxay qayb ka tahay dhacdooyin badan oo soo dhacay, intooda badani waa kuwo naxdin leh, oo horseedaya dhibaatada hadda jirta ee dalka’’.

Dawan 

Kaafimedia Hargeisa .