Dad Isku Qoys Ah Oo Lagu Qarxiyey Gaadhi Ay Wateen Iyo Khasaaraha Soo Gaadhay

0
83

Muqdisho, 22 Juulaay, 2018 (Kaafimedia) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lagu soo xidhay gaadhi yar oo kuwa raaxada kaas oo  uu ku qarxay xili uu marayay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aan wax badan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga ee Dawladda Soomaaliya.

Dadka gaadhigan la socday ayaa la sheegay in ay ahaayeen Dad isku Qoys ah, waxaana goobta ku dhintay qofkii waday gaadhiga.

Gaadhiga oo ahaa nooca Raaxada waxaa saarnaa oo la socday saddex ruux oo isku Qoys ah oo uu ka mid ahaa marxuumka dhintay oo gaadhiga waday, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxa ka mid ahayd Hooyadii oo la saarneyd gaadhiga.

Ninka ku dhintay Qaraxa ayaa lagu sheegay magaciisa Fu’aad Saleebaan Jaamac, waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si weyn loo xoojiyay amniga Isku-goysyada Magaalada Muqdisho.

Isgoys walba waxa taagan Ciidamo baadhitaano ku haya gaadiidka dadweynaha, laakiin haddana dhinaca kale waxaa muuqata in wali qarax-yada iyo dilalku ay sii socdaan.

kmnw.