“Guddoomiyihii Xisbiga UCID, Maanu Ogeyn Oo Nagalamuu Tashanin, Oo Tallo Kumaanu Lahayn, Waana Wax Inagu Cusub…Ammakaag Bay Nagu Noqotay…”-Madaxweyne Biixi

0
81

Hargeysa, 22 July, 2018 (Kaafimedia)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay shirkii caalamku u qabtay dalkaasi Soomaaliya ee dhawaan ku qabsoomay magaalada Brussels, isla markaana waxa uu gaashaanka ku dhuftay kulanka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya ee ka dhacay isla dalkaasi Biljamka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ugu horreyn waxa uu bulshada  u sharraxay ujeeddada shirkii dhawaan kusoo dhammaaday dalka Beljamka  iyo ciddii lagula hadlayey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu shirkaasi ahaa mid aan u qalmin inay Somaliland ka qayb-gasho, isla markaana aanay marnaba Somaliland ka xaadiri doonin madal meeqaamkeeda iyo dawladnimadeeda waxyeello ku ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa loo qabtay, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay. Shirkaa waxa la yidhi waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yidhi lacagtaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga hadhaynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taallo haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-darreero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.”

Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey inay yaab iyo ammakaag ku noqotay tegitaankii madasha shirka ee guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaana uu xusay inay arrintaasi tahay mid u baahan in dib loogu noqdo, “Iyadoo arrintu halkaasi taagan tahay oo caalamkuna ogyahay, ayaa waxa shirka tegay guddoomiyihii xisbiga UCID, maanu ogeyn oo nagalamuu tashanin, oo tallo kumaanu lahayn, waana wax inagu cusub iyo wax u baahan in dib la isaga arko, isaga iyo ciddii la socotay ba ammakaag bay nagu noqotay, xattaa maanu ogeyn inuu baxayo, isagoo Farmaajo la jooga ammakaag ayey nagu noqotay, waana la arki doonaa waxay ku dambayso, shacbigu iyagaa waxan ilaashanaya oo ku mahadsan, xaqna waxay noogu leeyihiin inaanu dareenkooda ilaalino,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kalena, hadalkan Madaxweynaha ayaa jawaab u noqonaya hadal uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo uu ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi in uu isagu dirtay Faysal Cali Waraabe shirkaasi iyo waliba kulanka Farmaajo.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo hore uga hadlay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa waxa uu yidhi, ““Somaliland dawladeeda annaga ayaa ku taageernay in aanay tegin shirkaasi, maadaama oo dalku hore u ahaa Somaliland iyo Soomaaliya, taasina la waayey oo aan Somaliland la siin mawqifkeedii, laakiin waajib ayaa naga saaran in aanu daba galno oo aanu xil iska saarno annaga oo Mucaarid ah”, waxaanu intaasi uu ku daray, “Madaxweynihii dalkaasi Soomaaliya Farmaajo waanu la kulanay oo waxaanu kala hadalnay sidii deeqaha dunidu bixiso loo qaybsan lahaa, ee dagaalka loo joojin lahaa iyo sidii jawi wanaagsan wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya dib loogu bilaabi lahaa, waxa kale oo aanu kala hadalnay sidii Soomaalida looga leexin lahaa waddadii hore ee lagu jabay oo aanu gacan uga geysan lahayn, ileyn annagu (Somaliland) waanu dhisanahaye, arrimahaasi oo dhan waanu isla afgaranay”. Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu ku heshiinay Farmaajo in arrinta wada hadalada si dhaqso ah loo bilaabo”.

Kaafimedia Hargeisa Office.