Tirada Tahriibayaal Itoobiyaan Ah Oo 7 Maalmood Badda Dul-heehaabayey Oo Shalay La Soo Gaadhsiiyey Dekedda Berbera.

0
207

Berbera, 2018 (Kaafimedia) – Markab ah nooca Xoolaha qaada, ayaa Shalay Gelinkii dambe Dekedda Berbera soo gaadhsiiyey ilaa 64 Tahriibayaal Itoobiyaan ah,  kuwaasi oo Doontii sidday kaga xumaatay meel qiyaastii 50 Mayl u jirta biyaha badda ee Somaliland, doontaasi oo uu Markabkaasi soo jiiday.

Tahriibayaashan Itoobiyaanka ah oo mid ka mid ah Dekedda la keenay isagoo Meyd ah, ayaa 7 Maalmood ka hor Doonta ay ku Tahriibayeen kala dhaqaaqday xeebaha Dalka Jabuuti, balse Doontaasi ayaa kaga xumaatay meel 50 Mayl u jirta biyaha badda ee Somaliland, halkaasi oo uu ka soo qaaday Markabka Xoolaha qaada ee Shalay Dekedda Berbera keenay.

Mid ka mid Ah Tahriibayaasha oo la Hadlay Telefiishanka Qaranka Somaliland oo Wargeyska Himilo Warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in doonto ka xumaatay Saddex Saacadood uun ka dib markii ay ka dhaqaaqeen Xeebaha Dalka Jabuuti “Magacaygu waa Aftaan, Saddex Saacadood ka dib markii aanu ka dhaqaaqnay Jabuuti waxa naga xumaatay Doontii yarayd ee aanu saarnayn, muddo 7 Maalmood ah badda ayaanu heehaabaynay, Markab waanu waynay, Doon kale waanu waynay, Telefoon waanu waynay, wixii aanu cunaynay iyo wixii aanu cabbaynay waxay nagaga dul dhamaadeen Doonta naga xumaatay oo Cidhiidhi ahayd, ka dib waxa noo yimid Markabka halkan na keenay. Hal Qof ayaa nooga geeriyooday Macaluul iyo Cidhiidhiga Doontu ahayd.”

Maareeye ku-xigeenka Dekedaha Somaliland Cabdi Cabdillaahi Mataan oo markii Tahriibayaasha la keenay Dekedda Berbera la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Markabka soo jiiday Doonta ka xumaatay Tahriibayaashu uu la soo socodsiiyey Xaaladda Dadkaasi, sidaana uu ku keenay Dekedda Berbera.

Maareeye ku-xigeenku wuxuu sheegay in Tahriibayaashani iskugu jiraan 18 Dumar iyo Carruur ah iyo 46 Qof oo Rag, kuwii Xaaladdooda Caafimaad Cuslayd Hay’adda bisha Cas u qaadday Cisbitaallada si Xaaladdooda loola Tacaalo, jirana Qof Meyd ah oo Geeriyooday in Tahriibayaashu dul heehaabayeen Badda Cas.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan oo isaguna ka hadlay Tahriibayaasha la soo gaadhsiiyey Dekedda Berbera, ayaa sheegay inay Maamul ahaan ay Dadkaasi u gudbin doonaan Dalka u dhasheen.

Ugu dambayn, Tahriibayaashan oo ka ambo-baxay Dalka Jabuuti ayaa ku wajahnaa Dalka Yemen, halkaasi oo ay doonayeen inay uga soo gudbaan Dalka Sucuudiga oo Xuduud la leh Yemen.

KMNW.