Xildhibaan Kijaandhe Ayaa Sheegay In Gaabiska Siyaasadda Arrimaha Dibedda Ay Sabab U Tahay Jid Khaldan Oo Hayo iyo Talooyin uu Soo Jeediyey.

0
95

Hargeysa, (Kaafimedia) – Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Axmed Nuur Kijaandhe, ayaa sheegay in Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland khaldan tahay, sidaa darteed loo baahan in dib loogu noqdo oo la saxo.

Xildhibaan Kijaandhe oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in maaddaama oo ay yihiin Guddiga Arrimaha dibedda Somaliland u qaabilsan Golaha Wakiillada ay Dad badan waydiiyaan sababta aanay siyaasadda Arrimaha dibeddu isku soo tarayn, isaguna Xildhibaan ahaan uu arrintaa ka garaabayo.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in isa soo tarid la’aanta siyaasadda Arrimaha dibeddu aanay ahayn wax yimid inta uu Xukunka Dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi ama inta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland uu yahay Dr. Sacad Cali Shire, balse ay tahay mid isa soo taraysey Muddo dheer.

Xildhibaan Axmed Nuur Kijaandhe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Arrimaha dibeddu waa Shaqadayda, Golaha Wakiillada iyo Dad kale oo badan way na waydiiyaan oo waxay yidhaahdaan maxaa dhacay Siyaasaddii Arrimaha dibeddu isa soo tari maayee, Aragtida caynkaas ahi way jirtaa, laakiin waxa iswaydiin leh waxa sababay, inta Sacad joogay (Wasiirka Arrimaha dibedda) iyo inta Muuse joogay (Madaxweynaha) wax dhacay maaha waxani, ee waa wax soo socday oo isa soo tarayey, waxaana sabab u ah siyaasaddeennii hore ee Arrimaha dibeddu way khaldanayd oo dariiq khaldan ayay haysay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Intii hore Dawladda Soomaaliya ayaan awood lahayn, dabadeedna awood la’aantii Dawladda Soomaaliya ee jirtay ayaynu ka faa’idaysanayey oo aynu meelahaa carcarareynay, laakiin imika waa Dawlad (Soomaaliya) wayna soo koraysaa, markaa wax badan ayay gacanta ku qabanaysaa, markaa Albaabaddu badan ayay doonaysaa inay innaga xidho. Intaa  waxa raaca qoladii hore ee joogtay iyo qoladan imika joogta waa sii kala jaad (Soomaaliya), kuwii hore waxay ahaayeen kuwo doonaya inaynu Wada-hadalno ama aynu wax wada yeelano ama si wanaagsan u kala tagno, laakiin kuwan (Hadda Maamulka Soomaaliya) waa Reer Xamar yaryar oo aan dunidu siday tahay aan waxba ka garanayn, waxayna ka helayaan inay yidhaahdaan Annagaa Albaabada ka xidhnay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa Sacad (Wasiirka Arrimaha dibeddu) yaanu yaabin Adduunka Go’doon ayaynu ka sii noqonaynaa.”

Mudane Kijaandhe wuxuu sheegay in siyaasadda Aqoon-raadinta Somaliland markeeda horeba khaldanayd “Waxani maaha wax imika dhacay ee siyaasaddeena Aqoonsi raadsigu waa Qardo-jeex, Waayo? Soomaaliya wax baynu wada lahayn, inta aynu la fadhiisanno waa inaynu nidhaahno waanu idinka tagaynaa ee kaalaya inna kala saara,  miyaad aragtay nin gar leh oo leh Garta soo fadhiisan maayo, Soomaaliya maaha in Shirarka looga yaaco, waa in dhinac la qabsado lala fadhiisto Shirarka (Beesha Caalamkana) lagu  yidhaahdo inaad na kala saartaan mooyaane waxba samaysmi maayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Intii aanay awoodda lahayn (Dawladda Soomaaliya) haddaynu qabsan lahayn, Maanta Somaliland halkaa may soo gaadheen, markaa Dadkii yidhi Cidna kala hadli mayno Gooni isku taagga Somalilad iyo waa Muqadas, waxaan leeyahay waa siyaasad khaldan…

kmnw.