Xukuumadda Oo Ka Hadashay Warar Lagu Sheegay In Masuul Soomaaliya Ka Socdaa Hawlo Ka Wado Hargeysa.

0
74

Hargeysa,  2018 (Kaafimedia) –  Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa beenisay in Masuul Dawladda Federaalka ah ee Muqdisho soo Magacowday oo bixinaya Baasaaboorka Soomaaliya uu Hargeysa ku sugan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Doraad Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa hadalkiisa ku soo daray in Masuul Dawladda Soomaaliya soo Magacowday isla-markaana Baasaaboorka Soomaaliya bixinayaa uu Hargeysa ku sugan yahay, balse Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay uu Telefiishanka Universal waydiiyey waxa ka jira in Masuul Dawladda Soomaaliya ka socdaa uu Hargeysa ku bixinayo Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin Warka uu Guddoomiye Cirro Warbaahinta mariyey, sidaasi awgeedna ay Guddoomiyaha ugu fadhiyaan inuu Dawladda u tilmaamo halka Ninkaasi joogo si buu yidhi Tallaabo looga qaado.

Wasiir ku-xigeenka Amniga oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI muu odhanin waxaan ogahay ee wuxuu yidhi waxa la sheegayaa.”

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo Jawaabtiisa sii wata ayaa sheegay “Ta labaad Xogtaa uu helay halkuu ka helay isagaa noo sheegi doona oo noo tilmaami, dabadeedna Tallaabo ayaanu qaadi, laakiin imika ma ogin, mana jirto Cid halkaa (Soomaaliya) laga soo magacaabay oo halkan iman kartaa. Halkan Baasaaboor baa lagu soo galaa oo lagaga baxaa, Dalkeenu maaha Xero la iska soo galo oo laga baxo, wixii soo gala iyo wixii baxaba waanu ognahay, markaa Odaygu waxaanu hubin ayuu sheegay ayaan u malaynayaa oo Cid ku tidhi.”ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey in aanay jirin meel ka mid ah Somaliland oo lagu sameeyo Baasaaboorka Soomaaliya.

kmnw.