Aabaha Dhalay Gabadh U Dhimatay Dhiig Bax Ayaa Difaacaya Gudniinka Fircooniga Ah.

0
197

Aabaha dhalay gabadh 10 jir ah oo u dhimatay dhiig bax kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ayaa difaacaya caado dhaqameedkan laga dayriyay.

Daahir Nuur ayay gabadhigiisa dhiig bax u dhimatay 17-kii bishan Luuliyo, 2 maalmood uun kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah oo ah caado dhaqameed facweyn, balse la’isla waafaqay in ay tahay halis weyn.

Balse waraysi uu siiyay idaacada VOA ayuu ku sheegay in uu taageersanyahay caaddo dhaqameedkan.

Sida ay sheegtay hay’adda UNICEF, 98% boqolkiiba dumarka iyo gabdhaha ku nool Soomaaliya ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Inkasta oo dastuurka Soomaaliya uu mamnuucayo, walloow uusan gabi ahaanba sharci darro ka dhigaynin, haddane si weyn ayaa loogu dhaqmaa gudaha Soomaaliya, iyo meelo badan oo ay Soomaalida degentahay.

bbc

Kaafimedia