“Geesinnimadu Ma Aha In Aad Cabsi Ka Madhan Tahay, Geesinnimadu Waa In Aad Cabsida Ka Guuleysan Kartid”.

0
67
A 9-metre (30-feet) bronze statue of the late former South African President Nelson Mandela is unveiled as part of the Day of Reconciliation Celebrations at the Union Buildings in Pretoria December 16, 2013. The day also marks the commemoration of the centenary of the Union Buildings, one of the most iconic structures in South Africa. The unveiling of the statue on 16 December 2013 is intended as acknowledgement of the contribution of the first President of a democratic South Africa, a symbol of national reconciliation and unity. REUTERS/Thomas Mukoya (SOUTH AFRICA - Tags: OBITUARY TRAVEL POLITICS ANNIVERSARY TPX IMAGES OF THE DAY)

Nelson Mandela waxa uu ahaa Hoggaamiye Dalkiisa Iyo Dunidaba Ku Soo Kordhiyay Xikmad Iyo Odhaahyo Dhaxal Gal Ah, ciwaankanina waa mid ka mid ah odhaahaha dhaxal galka ah ee laga dhaxlay Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Mandela waxa uu noqday Geesi u dagaalamay xorriyada Dadkiisa isla markaana waxa uu aad ula dagaalamay Cunsuriyada Amase ‘Midab takoorka’, waxa uu muddo aad u badan u xidhnaa xuquuqdii dadkiisii uu u dooday, balse ugu dambayn waxa uu dhibaato kasta usoo maro oo xattaa uu jeel usoo galo waxa uu ku guuleystay hadafkiisii.

Mandela waxa uu xidhnaa muddo 27 sano ah waxa aanu ku xidhnaa qol cabirkiisu ahaa 5 Mittir jeelka uu ku xidhnaa waxa uu ku yaalay Jasiirada Roben waxaanu Ahaa Maxbuuska ay summadiisu aheyd 46664, waxa uu xabsiga ka soo baxay sanadkii1990kii, jeelka waxa uu galay isagoo da’yar oo dhallinyaro ah waxaanu ka soo baxay isagoo gaboobay oo Timihu cadaadeen .

Arrinta aadka u layaabka badnayd ee lagu xasuuso Mandela ayaa waxay aheyd in markii xabsiga laga sii daayey uu gacan qaaday raggii ay is hayeen, waxa kale oo uu gacan qaaday ninkii xabsiga u taxaabay ee Frederick Willaim Ducker waxaana xilligaasi dhaxal gal noqotay hadalkii uu yidhi Mandela ee aheyd “Shacabka geesiga ahi ma aha mid cabsi ka qaba inuu wax saamaxo si uu nabada u helo”.

Mandela waxa uu noqday Hoggaamiye baal dahab ah ka galay taariikhda Afrika iyo caalamka ba waxaanu astaan u noqday la dagaalanka cunsuriyada.