Axmed I. Samatar Oo Is-barbar-dhigay Nidaamka Madaxtooyada Somaliland Ee Xilligii Siilaanyo Iyo Wakhtigan .

0
157

Hargeysa, 24July, 2018 (Kaafimedia) – Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada Muxaafidka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay isbeddel uu sheegay in lagu sameeyay Nidaamkii shaqo ee Gudaha ee Madaxtooyada Somaliland.

Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu Waraystay Barnaamijka Hal-adayg ee Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ay Madaxtooyadu u ekayd Sayladda Xoolaha oo kale isla-markaana ay ka buuxi jireen dad aan wax shaqo ah ku lahayn, mar kasta oo la booqdana lagu arki jiray Dad badan oo ku dhex sheekaysanaya, kuwo Sigaar ku dhex cabbaya, balse markii uu Xukunka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi arrintaasi wax laga beddelay.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan sheegayaa Qodob yar, laakiin wuxuu markhaati ka yahay Isbeddelka dhacay, markaan imid waxaan tagay Madaxtooyada si aan u soo salaamo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, Madaxtooyada Albaabka weyn ayaanu ka soo galnay, berigii hore markaan imaaddo waxay ahayd meel la iska wada joog-joogo oo dhan loo socdo ayaanad inteeda badan garanayn, waxayba u ekayd Saylad la iska joog-joogo, oo Dadku faro badan yihiin oo halkan Sigaar lagu cabbayo, halkan lagu sheekaysanayo, halkaa laga qosqoslayo oo Aniga meel Madaxtooyo ah iilamay ekayn (Wakhtigaa)…”

Samatar oo sharraxaya isbeddelka uu sheegay in wakhtigan lagu sameeyay Madaxtooyada ayaa yidhi “Imika markaan soo booqday waxaan arkay meel Nadaafaddu aad u weyn tahay, xafiis sare oo Dawladeed ah, Cid joogta oo aan shaqo ku lahayn oo iska dhex soc-socota kuma arag, meel deggan oo shaqana ka socoto ayaan arkay, sharafkeedii iyo Qiimaheedii Madaxtooyana u eg ayaan soo arkay, waxyaabihii lagu ballan-qaaday ayay aniga ila tahay inay sidaasi ka mid ahayd inay dhacdo wayna dhacday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Waxqabadka Golaha Wasiirrada in aanay ka mid ahayn inay Beelahooda Shiriyaan “Xagga waxbabadka waxa ii muuqata in Dadkii Wasiirrada laga dhigay in Madaxweynuhu ku amray in aanay noqonin Dad qabiilaysan oo Reeraha shir-shiranaya, laakiin Wasiirradu noqdaan Dad loo dhiibay Xafiisyo waaweyn oo Ummadeed oo ay shaqadoodaa isku soo koobaan oo aanay noqonin Kaabo qabiil, waana wax lagu farxo in Dawladda xaggeeda sare ay ka dhacdo in Xirfad (Lagu shaqeeyo). Dad badan oo da’yar, laakiin aqoon leh ayaa Dawladda lagu soo daray, taasina waxay u wanaagsan tahay mustaqbalka.”

KMNW.