Ceel Af-weyn: Xabad Ay Rideen Fidmo-wadayaal Hubaysan Oo Dishay Gabadh Yar Oo Walaashe.ed Sinta Ku Sidday Iyo Dareenka Aabbaha

0
234

Ceel Af-weyn, 24 July, 2018 (Kaafimedia) – Rasaas ay rideen Dablay aan haybtooda la aqoonsan, ayaa sababtay Geerida Gabadh yar oo Walaasheed Sinta ku sidday Habeen Saddexaadkii, Saacaddu markay ahayd Abbaaro 9-kii Fiidnimo.

Falkan Dhimashada Sababay ayaa waxa uu ka dhacay Duleedka Bari ee Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen Gabadha yar ee Geeriyootay Aabbaheed iyo Walaasheed oo Xilliga Rasaastu cuskatay dhinaca ku sidday.

“Sagaalkii iyo Badhkii Habeennimo ayaanu aragnay (Dad Toosh sita), meel ayay ku bakhtiisteen, dameerihii ayaa naga diday, Dameerihii ayaanu xidh-xidhnay, dabadeedna Tooshka ayaanu ku qabanay (Dadkii) Dabadeedna way soo kaakaceen oo way na rasaaseeyeen, Goor rasaastaa hore ka dambaysay oo ay Moobiillo naga baadhayaan ayay Xabad nagu rideen, Dabadeedna Xabbadii waxay qaadatay Ilmihii yaraa ee aan Sinta ku hayey.” Ayay tidhi Gabadha yare e Geeriyootay Walaasheed oo u warrantay Telefiishanka Saab oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.

Cilmi Cali Gaydh oo ah Aabbaha dhalay Gabadha yar ee la dilay oo isaguna dhacdadan foosha xun ka hadlay, ayaa sheegay inuu ka xumaaday dhibaatada loo geystay Qoyskiisa iyo Geerida ku timid Gabadhiisii Sinta lagu siday, waxaanu yidhi “Markii Falkani dhacay Dawladda ayaa lala hadlay, way noo yimaaddeen, waxa meeshii baa laga eegay Qasharkii Rasaasta, waa laga helay, meydkii Gabadha yar waxa la dhigay Saldhigga Booliiska, Muddo Lix saacadood ayuu Meydku yaallay Saldhigga, Dawlad, shacab iyo ergooyin ba way ka war qabaan oo way yimaaddeen, haddana iyadoo dilkaa xumi dhacay uu reerkaygii ku timid iyo weerarkaa Maatida badheedhka loogu laayey, ayaa haddana waxa dhulka laga soo sheegayaa fool-xumooyin ah in la leeyahay isagaa (Aabbahaa) Dilay Gabadha yar, waxaasna waxba kama jiraan ee waa been iyo dambi ay sii korodhsadeen.”

Dhinaca kale, Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda deegaanka falkani ka dhacay ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay  soo qabato dablaydii falkan geystay isla-markaana Sharciga hor-keento.

Ciidammada kala duwan ee Amniga ee ku sugan Degmada Ceel Af-weyn ayaa baadi-goobaya Dablayda rasaasta ay rideen dishay Ilmaha yar, sida ilo-wareedyo u sheegeen Wargeyska Himilo, waxaana Booliisku ku dedaalayaa inay gacanta ku soo dhigaan dadkaasi si sharciga loo hor-geeyo, loogana hor-tago in falkoodaasi dhibaato kale horseedo.

Dhacadadan Naxdinta leh, ayaa ku soo beegmaysa xilli Ergo gaadhaysa boqol Qof oo isugu jira Culimada ugu caansan Somaliland, Madax-dhaqameed iyo Waxgarad kale ay ku hawlan yihiin Walaalaynta Laba Beelood oo halkaasi dhowr jeer shaqaaqo ku dhex martay.

Ciidammada Amniga Oo Ku Raad-jooga Dablayda Dhibaatada Geysatay Si loo soo qabto, Sharcigana loo Mariyo

Kaafimedia Burco.