Germany: Aabo Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Dalka Masar Oo Qudha Ka Jaray Gabadh Uu Dhalay, Kadib Markii Ay Is Khilaafeen Xaaskiisa !

0
78

Khilaafka soo kala dhex galay lammaanaha nolosha waddaaga ayaa mararka qaarkood waxa uu sababaa dhacdooyin naxdin badan oo lama filaan ah, sidaasi awgeed ayaa Aabo u dhashay dalka Masar oo ku nool Dalka Germany gaar ahaan magaalada Dolsdorf ayaa waxa uu qudha ka jaray gabadh yar oo uu dhalay oo ay da’deedu aheyd 7jir.

Sababta Aabahan ku kaliftay inuu dilkaasi ku kaco ayaa waxay tahay inay xaaskiisa isku khilaafeen teleefanka, intaasi kadibna waxa uu cadhadii kula kacay gabadhaasi yar ee dhaylay oo uu si aad u fool xun uu u jidh dilay, dabadeedna u geeriyootay dhaawacyadii uu gaadhsiiyey.

Haddaba, sida lagu baahiyay Arabi Post oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa ciidammada Ammaanka ee Magaalada Dolsdorf ayaa gacanta kusoo dhigay waalidkaasi gabadhiisii dilay waxaanay magaciisa ku sheegeen Axmed da’diisuna waa 32 jir, waxaanay sheegeen inuu xaaskiisa oo Magaceeda la yidhaa Katrena oo da’deeduna tahay 44 jir ay teleefanka uga hanjabay una sheegay haddii ay heshiin waayaan inuu gabadhooda yar dilli doono, taasina wuu kaga dhabeeyay isla markaana lama hayo cadaynteeda, sidaasi awgeed Aabahan ayaa waxa la hor keeni doonaA maxkamadda si loogu fuliyo xukun sharci ah.

KMNW. HARGEISA