Somaliland Oo Soo Saartay Amar Lagula Soconayo Lacagaha Qalaad Ee Dalka Lala Soo Galayo Ama Lagala Baxayo .

0
187

Hargeysa, 24 July, 2018 (Kaafimedia)-Baanka dhexe ee JSL ayaa shalay soo saaray amar uu xakamaynayo heerka lacagta qalaad ee shaqsi iyo shirkad ay dalka la soo gali karaan ama kala bixi karaan.

Warka BaankaGuddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Cali Ibraahim Jaamac, ayaa shalay soo saaray qoraal ujeedadiisu tahay caddaynta Lacagaha qalaad, kaasi oo sheegaya in  baanka dhexe uu la soconayo lacagta qalaad ee ka badan toban kun oo dollar amase u dhiganta ee dalka Somaliland lala soo galayo amase lagala baxayo.

Qoraalkan oo  nuqul ka mid ah Ayaa Soo Gaadhay Kaafimedia ayaa  uu  dhignaa sidan.

“Baanka dhexe ee JSL isagoo gudanaya waajibaadkiisa aasaasiga ah ee ku cad qoddobka 4aad, faqradiisa 4aad (B) ee xeerka Baanka dhexe ee xeer Lr-54/2012, isla markaana xoojinaya siyaasadda la socoshada xaddiga lacagta ee soo galaysa ama ka baxaysa dalka JSL.

Waxa uu farayaa dhammaan shakhsiyaadka ama shirkadaha dalka kala baxaya ama la soo galaya lacag ka badan toban kun oo dollar ($10,000), ama caddad u dhigma oo lacag qalaad ah, inay caddeeyaan lacagta ay sitaan, iyagoo buuxinaya foomka caddaynta (Declaration Form) oo diyaar ku ah madaarada iyo xudduudaha dalka.

Sidoo kale, waxa laga codsanayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso wareegtadani inay la shaqeeyaan saraakiisha baanka dhexe eek u sugan madaarada iyagoo fulinaya waajibaadka wareegtadani amrayso”.

Kaafimedia Hargeisa