Dablay la Weriyey Inay Aano Daba Socotay Oo Dil Ka Geysatay Deegaan Koonfur Kaga Beegan Ceerigaab.

0
119

Dilku Waxa Uu Dhacay Xilli Loo Fadhiyo Gogosha Shaqaaqadii Ceel Afweyn.

Ceerigaabo (Kaafimedia) deegaanka Ceeryaan oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo sidoo kalana dhinaca bari kaga beegan tahay Ceel-afweyn ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo wada daga halkaasi.

Dagaalkan shalay  subixii qarxay ayaa sababay dhimashada 3-qof ilaa hadda waxaana jira dhaawac laakiinse tiro ahaan la sheegay in uu illaa sideed qof yahay.

Dagaalkan  ayaa udhaxeeya laba ardaa oo abtirsiin ahaan  katirsan beellaha Ceelafwayn heshiis kooda loo fadhiyo  Iyadoo Khilaaf Muddo Soo Jiitamaayey uu Jiro haddana wararka laga helayo ayaa tibaaxaya in dillalkani daba socdeen aanooyin laba bilood ka hor halkaasi ka dhacay.

Masuuliyiinta dawladda oo badankoodu ku sugna deegaannada gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn ayaa iyaguna sheegay in dilalkani aanay la sawrac ahayn dirirta dhexdhexaadinteeda loo fadhiyo Ceel Afweyn,. Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Maxamed Cali.(Gaafaadhi) oo iyagu ku sugnaa shalay magaallada Ceerigaabo aya shacbiga gobolkaasi ku dhaqan ugu baaqay nabada inay ilaashadaan.

Kaafimedia Ceerigaabo.