Madaxweynuhu Wuxuu Soo Gudbiyey Xeerkii Doorashada Guud, Hadda Saami-Qaybsi Laga Hadli Maayo..” Baashe- Mohamed Farah.

0
126

Hargeysa, 25 Juulaay, 2018 (kaafimedia) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa markii koowaad ka hadlay Xeerka Doorashooyinka oo u u dhawaan Golahaasi u gudbiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu aanay lahayn Xeer u gaar ah, sidaasi darteedna waxa Madaxweynuhu uu Shir-guddoon ahaan u soo gudbiyey uu yahay Xeerka Doorashada Guud, Xeerkaana ay gudbinayaan Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha si buu yidhi ay Waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan.

Md. Baashe Maxamed Faarax wuxuu ugu horreyn sheegay inaan xilligan laga hadlaynin Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, “Hadda Saami-qaybsi laga hadli maayo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweynuhu wuxuu soo gudbiyey Xeerkii Doorashada guud, waa Xeerar isku jira, Golahana wuu soo gaadhay, waxaana loo dhiibayaa Guddiga Arrimaha gudaha oo Waajibaadkooda ka qabsanaya..”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo la waydiiyey in Xeerarka uu isku jira ee Madaxweynuhu u soo gudbiyey uu qayb ka yahay ka Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiilladu, ayaa ku jawaabay “Saami-qaybsigu Xeer gaar ah malaha, Madaxweynuhuna ma odhanin doorashada (Golaha Wakiillada) sidii hore ha lagu galo ee Xeerkii ayaa naga soo gaadhay, markaa Waajibaadkii Dastuuriga ahaa ayaanu ka gudanaynaa.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo la waydiiyey waxa xilligan soo cusboonaysiiyey in Xildhibaannada Wakiilladu ka hadlaan Go’aankii ahaa inaan laga qayb-geli Karin Shirarka Soomaaliya ee Labada Gole ee Baarlamaanku soo saareen 2003-kii, balse 2012-kii la debciyey si Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo uu uga qayb-galo Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaanu ku jawaabay “Inaan Shirarka Soomaaliya laga qayb-gelin karin wuxuu ahaa Go’aan labada Gole ansixiyeen 2003-dii, waagaana waxaynu ahayn Dawlad yar oo curdin ah, go’aankaana waxa loo soo saaray inaan Shirarka Soomaaliya laga qayb-geli karin, laakiin markii shirkii London la tagayey ayay Xukuumaddu soo dalbatay in Shirkaa London la taageero oo Xukuumadda loo fasaxo inay ka qayb-geli karto, iyo wax Alaale iyo wixii ay u arkaan inay ku jirto danta Somaliland, iyagoo sidoo kalena ilaalinaya Dastuurka iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Markaa hadda waxaanu u keenay (Go’aankaasi) Golaha, maaddaama oo Xildhibaananda intooda badan cusub yihiin oo ay yar yihiin intii ogayd (Go’aankaasi) 2003-dii, Saxaafadduna Gobollada marayso oo ay Dadka waydiinayso Cidda tagi karta Shirarka Soomaaliya, waxaanu doonaynaa inaanu Xildhibaannada iyo Saxaafadda lafteeda tusno in go’aankaasi hore ee Cidda loo fasaxay inay Shirarka ka qayb-geli karto la ogaado ayaanu ugu talo-galnay..”

Guddoomiyaha oo la waydiiyey waxa Go’aanka ay Golaha geeyeen ku soo beegay kulanka ay Dalka Biljimka ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ku jawaabay “Shaqsi gaar ah oo aanu ula jeednay ma jirto ee Annaga ayaa isku baraarujinayney..”ayuu yidhi

Himilo.

Kaafimedia