Ceel Af-weyn: Milletari Iyo Boolis Is-kaashanaya Oo Hawl-gallo Hubin Ah Ka Fuliyey Deegaanno Ay Hore Ugu Sugnaayeen Maleeshiyo-beeleedyo.

0
67

Ceel Af-weyn, 26 Julay, 2018 (Kaafimedia) – Ciidammada Milletariga iyo kuwa Booliiska oo is-kaashanaya ayaa Shalay hawl-gallo ka fuliyey 14 Tuulo oo hoos-yimaadda Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, halkaasi oo dhowr jeer oo ay shaqaaqo ku dhex martay laba Beelood oo Walaalo ah.

Hawl-galka Ciidammada Booliska iyo Milletariga oo ay barbar socdeen Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ay Wehelinayeen Wasiirrada Deegaanka, Ciyaaraha, Diinta iyo Awqaafta, Madaxweyne ku-xigeennadii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa ujeeddadiisu ahayd in Ciidammada iyo Xubnaha Dawladda ka socday hubiyaan in beelihii colaaddu dhex martay fuliyeen qodob ay soo saareen Ergada Nabadeed ee Ceel Af-weyn fadhiya, qodobkaasi oo ahaa in labada Beelood kala direen Maleeshiyaadkooda oo ku kala sugnaa deegaanno Xukuumaddu hore ugu astaysay inay ku sugnaadaan.

Wasiirrada Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, Axmed Yuusuf, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo khudbado u jeediyey Dadkii ku sugnaa Tuulooyinkii Weftigu maray, ayaa ku waaniyey inay ilaaliyaan Nabad-galyada isla-markaana ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac waxyeela Nabadgalyada iyo heshiiska labada Beelood ee Ergada Qaran ku hawlan tahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horreyn la hadlay Dadweynaha ay deegaannadooda kormeerka ku marayeen, ayaa yidhi “Bani-aadamku waxa uu u baahan yahay inuu ku noolaado waa nabad, Haweenka iyo Carruurta halkan joogaa waxay u baahan yihiin inay ku noolaadaan nabad, na-ragoow waxa keliya ee aad ku ciyaaraysaan waa Carruurtiina nabad-doodii, khasaare badan ayaa ka dhashay Colaaddiina, laakiin Maanta meel fiican ayay maraysaa, markaa waxaynu u baahan nahay in Qof walba uu nabad-galyadiisa gaarkiisa uga shaqeeyo, deegaan walba uu goonidiisa uga shaqeeyo. Deegaannada aad ku kala maqan tihiin ee faraha badan ee inba meel u goosantay waxa loo baahan yahay in Dadkii ku wada noolaado oo uu wada deganaado, waxaana loo baahan yahay in Maatida dhibka laga daayo.”

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro) oo iyaguna la hadlay Dadweynaha deegaannada kormeerka ku marayeen ayaa u soo jeediyey inay Illaahay ka cabsadaan oo ay ka toobad keenaan dhibaatadii hore u dhex taallay iyo dhiiggii ay iska daadiyeen.

Ciidammada Is-kaashanaya iyo Wefti barbar socday ayaa waxay hawl-galka nabadeed ka fuliyeen Deegaannada kala ah, Beer-wayso, Garab-cad, Jaw, Xamil, God-waraabe, Dhabar-mamac, Gal iyo Gac, Laas-dumaare, Dhadinka, Fadhi-gaab, Ceel Nimcaan, Ceel La helay, Siin-carro iyo Siigo-dheer, waxayna markaasi ka dib, dib ugu noqdeen degmada Ceel Af-weyn sida uu baahiyey Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV) oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.

Kaafimedia Hargeisa