UCID War Kasoo Saaray Xadhig La Sheegay In Xukuumaddu La Sugayso Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Markuu Dalka Soo Cago-Dhigto.

0
66

Hargeisa (Kaafimedia)“Dalku wali waxa uu ku jiraa Xiisaddo iyo Mushkiladdo  Dhaqaale,   & Siyaasaddeed,  Madaxweynuhnau  wuxuu dhex dabaalannayaa Mushkulladahaas, waxa muuqata in shucuubtii iyo Isagu isku soo baxsaddeen”

“Beryahan Danbe Dhegaha Shacabka Waxa Ku Batay In Xadhig Lala Maagan Yahay  Guddoomiyaha, Laakiin   Waxba Kama Jiraan, Manna Dhacayso In La Xidho Guddoomiye Faysal”

Murashaxii Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Axmed Cabdi Muuse (Abyan)

Murashaxii Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga UCID Dr Axmed Cabdi Muuse Abyan waxa uu sheegay in guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu maalinta berriya ku soo laaban doonno Caasimadda Somaliland, waxaannu meesha ka saarray warar saacaddihii la soo dhaafay aad isku soo tarraayay oo sheegaaya in la xidhaayo Guddoomiye Faysal, waxaannu sidaas ku sheegay War koobban oo uu qaar ka mida Warbaahinta Maxaliga ah siiyay.

“Guddoomiyuhu waxa uu imanayaa berri haddii Alle yidhaahdo. Shacabka, taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbigunna way soo dhawaynayaan. Dhagaha shacabka beryahan danbe waxa ku batay Xadhig ama Masuuliyiin iyo dhaqan la xidhaayo. Xadhigaas oo qaarkood hadda la isu qoomamaynnaayo, waayo hadda waxa bilaabmay waxyaabihii la isku xidhi lahaa, oo ah ergayn,  nabaddayn iyo waxa la midka ah. Guddoomiye xisbi xadhigii iyo Madaxweyne xadhigii waxba kama jiraan, manna dhacayso in la xidho guddoomiye Faysal Cali Waraabe”

“Madaxweynuhu hadda muddo siddeed bilood ah ayuu Xilka hayaa, markaa wali waxa lagu jiraa Xiisaddo iyo Mushkuladdo isugu jira kuwo Dhaqaale, kuwo Nabad-gelyo, kuwo Siyaasaddeed oo ah arrimmo dibaddeed iyo arrimo gudaha la xidhiidha, markaa Madaxweynuhu wuu dedaalayaa, laakiin wuxuu dhex dabaalannayaa Mushkulladahaas, manna filaayo inay Madaxweynaha hawshaas ka qaaddi karraan, waayo waxa muuqata in shucuubtii iyo Madaxweynihii isku soo baxsaddeen” ayuu yidhi Dr. Axmed Cabdi Muuse Abyan.

Kaafimedia Hargeisa Office.