Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Sheegay Inuu Hindisay Erey Bixin Cusub Oo Uu Kusoo Kordhiyey Af Soomaaliga.

0
82

Hargeysa(Kaafimedia)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqank iyo wacyigalinta JSL Md. C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo ka mid ahaa aqoon-yahanadii ka qayb qaadanayey shirweynaha 13aad ee cilmi baadhista Soomaalida oo malmihii u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa, ayaa  ku soo bandhigay barnaamij la magac baxay halmeceeye.

Wasiirka wasaaradda warfaafintu waxa uu Buugan uu soo bandhigay kaga hadlay saamaynta ay Tiknoolajiyadu ku leedahay Afka Soomaaliga, isagoo eray bixin u sameeyey kalmadaha ama weedhaha loo isticmaalo kombiyuutarka.