Farmaajo Oo Baraha Bulshada Kala Kulmay Ololeyaal Hal-ku-dheg Looga dhigay Ereyo Sillan-sugan Ah.

0
57

Maxaa keenay in erayada ‘Igu Sawir’ iyo ‘Igu Dayo’ ay qabsadaan baraha bulshada?

Muqdisho (Kaafimedia) – Waxaa todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray ‘Igu Dayo’.

Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub oo uu qaaday fanaanka Ilkacase Qeys, taasi oo hordhaceeda lasoo saaray. Heesta waxaa loogu magac daray ‘Igu Sawir’.

Dowladda waxaa si gaar loogu dhaliilayaa arrin ku saabsan gabadh lagu magacaabo Faa’isa Cabdillaahi,  oo ah xidigle ciidamada xoogga dalka ka tirsan taasoo dhaawac soo gaadhay dartii ku naafowday, kadibna madaxda dawladda Soomaaliya ay u balanqaadeen in ay dhakhtar dibada ah u diri doonaan. Balse faa’isa waxa ay sheegtey in aanan waxbo loo qabanin.

Intaas ka dib  Kumanaan dhalinyaro ah ayaa baraha bulshada si joogto ah ugu faafinaya sawiro iyo qoraalo halheys looga dhigey ‘Igu Sawir’, qaarkood ayaa xitaa xayawaano isku soo sawiray. Taas bedelkeeda ayaa arrinta xiisaha lihi waxaa ay noqotay In halku dheg kale  oo lagu difaacayo doodaas Igu Sawirta ah ay dhalinyaro badanoo kale bilaabeen. Hal-ku-dheggan oo dawladda Farmaajo lagu taageerayo ee dhalinyaradani bilaabeen ayaa ballaysin looga dhigay olole ay ugu magac dareen ‘Igu Dayo”, kasi oo ay ku dhiirigelinayaan  madaxda dowladda, iyaga oo boggaadinaya waxqabadka dowladda..

Dawladda Farmaajo hoggaamiyo  oo markii ay curatay la kulantay  a taageeradii ugu badneyd ee shacabka meel kasta oo ay joogaan muddo sanado badan kadib ah, waxaa ay olole iyo duufaanno is hirdiyaya oo culus  kala kulantay baraha bulshada. Laanta af soomaaliga ee BBCda oo weriye ka tirsani u kuurgalay arrintan ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ee cusub ay u badanyihiin rag dhalinyaro ah oo qurbaha ka yimid, aadna u isticmaala baraha bulshada, iyaga oo waxqabadkooda soo bandhiga. Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in taasi ugu wacantahay guuxa dadweynaha. Waxaa xusid muddan in markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo magacaabayay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre uu magacaabista ku shaaciyey boggiisa Twitter-ka , waxayna ahayd markii ugu horeysey oo taariikhda Ra’isulwasaare lagu magacaabo baraha bulshada.

Sidaasi si la mid ah madaxda dowladda ayaa waxqabadkooda iyo meelaha ay booqdaan ku shaaciya baraha bulshada xitaa ka hor inta aysan warbaahintu faafinin. Balse dadka qaarkood oo aragtidooda soo dhigey baraha bulshada ayaa waxa ay farta ku fiiqayaan in dowladda ay u egtahay in wali ay ku jirto jawigii ololaha doorashada, sidaasina ay ugu wacantahay in la qoonsado sawirada madaxda ee sida joogtada ah usoo baxaya. Ma jiro mas’uul dowladeed oo wali ka hadlay guuxa dadweynaha,

Kaafimedia