Dhakhtar Gabdhaha Kalkaaliyayaasha U Ahaa Ka Duubay Muuqaalo Akhlaaq Darro Ah Oo Maxkamada La Hor Keenay !

0
202
Doctor with stethoscope in hand on hospital background

Xeer ilaalinta Dalka Masar ayaa soo saartay go’aan ah xabsiga in loo taxaabo dhakhtar u dhashay Dalkaasi oo la yidhaahdo Maxamed, kaasi oo magaca waalidkiisa ka qariyey warbaahinta.

Dhakhtarkan ayaa waxa gacanta lagu dhigay isagoo haysta 26 muuqaal oo uu ka duubay gabdhaha Kalkaaliyaashiisa caafimadka ah, muuqaaladani ayaa waxay ahaayeen kuwa akhlaaq xumo ah isla markaana waxa uu gabdhahaasi ugu caga juglayn jiray inuu fadeexadayn doono haddii ay amarkiisa qaadan waayaan.

Dhakhrarkan ayaa sidoo kale qolkiisa uu ku shaqaynayay ku xidhay Kamarada uu ku xidhiidhiyay koombuyuutarkiisa oo uu ku keydin jiray muuqaalada ay kamaradaasi ka duubto xattaa haweenka bukaanka ah ee yimaada.

Dhakhtarkan ku kacay akhlaaq xummada isla markaana Mihnadiisa uga faa’iidaystay dhaqan xummada ayey qoysaska haweenkaasi xukuumada ka codsadeen in lagu xukumo xukun ciqaab ah oo aan sahlanayn.

Kaafimedia Hargeisa.