Siyaasi Buubaa Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Isugu Yeedho Dadka Ku Xeel-dheer Geeska Afrika, Mucaarid Iyo Muxaafid-ba

0
69

Hargeysa, 31 July, 2018 (Kaafimedia )-Siyaasi Ismaaciil Hurre (Buubaa), ayaa wallaac ka muujiyey doorka Somaliland ay ku leedahay xaaladda Geeska Afrika, iyo isbedelada ka socda, waxaanu ugu baaqay Madaxweynaha inuu isugu yeedho dadka ku xeel dheer arrimaha Geeska si loo dejiyo qorshe lagula fal geli karo oo lagu waajaho.

Siyaasi Ismaaciil Hurre (Buubaa), oo ugu horreyn ka warramaya xaaladda Geeska Afrika iyo isbedelada ka alloosan, iyo doorka ay Somaliland ka qaadan karto ayaa waxa uu yidhi “Arrimo badan ayaa maanta taagan, waxaana lagama maarmaan ah inay Somaliland la fal gasho oo hubsato oo aanay noqon iyadoo iska hurudda waxay ku ambaabarto, waxaana loo baahan yahay inay Somaliland la socoto isbedelkaa ka socda (Geeska Afrika), oo ay uga qayb qaadan laheyd oo ay uga faa’ideysan laheyd, isla-markaana ay dalalka kale na uga faa’iideyn laheyd”.

Buubaa, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda Somaliland iyo Soomaaliya, “Somaliland iyo Soomaaliya-na waxa ka dhex taagan is afgarad la’aan iyo isbeddel, marka arrintaasi la eego waa inay Somaliland la fal gasho oo ay wada hadal macno leh oo Somaliland iyo Soomaaliya oo soo af-jara khilaafkooda ayaa loo baahanyahay inay Somaliland hormood ka noqoto”. Waxaanu intaasi uu ku daray, “Somaliland, inay arrimahaasi iska sugto oo ay goor dhaw qasab ku noqoto oo ay la fal gasho waxa dhacaya uun waa laga wanaagsan yahay, sidaasi awgeed ayey tahay in arrimaha si wanaagsan loo wada eego”.

Sidoo kalena, Siyaasi Buubaa waxa uu farriin talo ah uu u diray Madaxweynaha JSL, “Madaxweynuhu inuu isugu yeedho dadka xeeldheerayaasha ee arrintan ka war haya oo la eego sida ugu habboon ee lagu waajihi karo arrintan ayey ila tahay inay arrintan wax ka qaban karto, waxaanay ila tahay in miiska la soo wada fadhiisto haddii ay tahay Dawlad, Mucaarid, Muxaafid, oo wada jir loo eego sida arrimahani inoo saameynayaan oo la sameysto kharriirad aynu kaga dabbaalan karno oo aynu kula fal geli karno oo lagu soo dabbaalo dalka”.

Ugu dambayntiina, Siyaasi Buubaa waxa uu si adag u dhaliilay siyaasadda arrimaha dibada Somaliland, “Wasiirku waxa uu qabtaa shaqada guud ee arrimaha dibada ku shuqul leh ee siyaasada Somaliland ka leedahay gudaheeda, Mandaqada iyo Caalamka, marka siyaasadaasi si weyn loo dejiyo ayaa la arki karaa in Wasiirku shaqadii loo baahnaa uu arrintaasi wax ka qabtay iyo in kale, laakiin iyadoo aan siyaasad ba la dejin oo ay iska tahay khalli duur, Wasiirkuna wuu la khalli duurayaa siyaasadaasi aan la fal gelayn isbedelada iyo arrimaha hor taagan, sidaasi awgeed wasaaradda arrimaha dibadu waa muhiim ah oo u baahan cid firfircoon oo waxana fahamsan oo Madaxweynaha iyo Dawladda ku soo biirin karta, waxaanay ila tahay inuu Wasiirku noqdo qof dareensan, arrintu mana aha Wasiirka ee waa siyaasadda guud ee dalka sida loo dejiyo oo waxay hor taallaa Gollaha Wasiiradda, Madaxweynaha, Mucaarid, Saxaafada, Dadweynaha, waxaana loo baahanyahay in arrintan si weyn loo wada eego oo la rogrogo oo loo dejiyo siday danta dalku ku jirto”. Ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa