Ujeedada Shir Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka Ahi Hargeysa Kula Yeesheen Masuuliyiinta Qaramada Midoobay Iyo Igad.

0
80

Hargeysa, 31 July, 2018 (Kaafimedia)-Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa shalay gelinkii danbe kulan gaar ah oo ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Wefti ka socday Qaramada midoobay iyo urur-gobolleedka IGAD oo booqasho hawleed u yimmi Somaliland.

Kulankan oo shalay galinkii danbe ku qabsoomay Ambassador Hutel ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta uga warramay madaxda sare ee labada xisbi oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani.

Ugu horreyna, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulankani iyo waxyaalihii ay kaga wada hadleen, waxaanu yidhi  “Qadiyaddii Somaliland waxa ka xoog roonaatay qadiyadda Tuke-raq, waxaana la iloobay wixii kale ee laynaga caawin lahaa ee ahaa dhaqaale, Doorashooyinka, markaa weftiga waxaanu uga sheekaynay arrintu sidii ay ku billaabantay iyo inay buunbuuniyeen dawladda dhexe ee Soomaaliya, maadaama oo ninka Jamaal la yidhaa (Wasiir Soomaaliya ah) uu iska yimmi dhulka Somaliland, gaar ahaan Sanaag bari, waxaanu u sheegnay in dhulkan la yidhaa Sool iyo Sanaag in la wada degan yahay, sidaa awgeed gobollada Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto gobol reer keliya uu deganyahay, marka laga reebo gobolka Majeerteeniya (Puntland)”. Faysal waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Waxaanu u sheegnay dhibaatada Soomaalida haysataa inay ka immanayso siyaasiyiinta labadaasi Gobol, Soomaaliya waxaanay la degi weyday waxay adduunka mar kasta ka soo iibinayaan war been ah oo xafiis kasta na waxa fadhiya qof reer Garoowe ama Boosaaso ah, markaa waxaan is qabanayn xaqiiqada gudaha taalla iyo beentaasi, waxaanu u sheegay markay Soomaaliya soo kala qaybiyeen ayey annaga noo soo jeesteen”.

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu wax ka tilmaamay heshiiska Nabada, “Afartaa qodob ee aad keenteen (Qaramada Midoobay) waanu ogolnahay, laakiin waxaanu kula talinay arrintu waa Somaliland iyo Soomaaliya markaa waa in wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya la soo celiyo, isla markaana ay arrinta si fiican u darsaan, waayo annagu (Somaliland) muddadaa 27ka sano ah hawlahayga ayaanu iska kabkabanaynay ee wax dhibaato ah ummaanu geysan jirin Soomaaliya, cidna dagaal lamaanu gelin oo waxaanu nahay dad nabad jecel oo waanu garanayaa dagaalka oo hore ayaanu u qaxnay”.

Sidoo kalena, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Xasan ayaa isaguna ka warramay waxyaalihii ay weftigan ka wada hadleen, waxaanu yidhi “Mushkiladda ka taagan Tuke-raq ayey Xisbi ahaan wax naga weydiiyeen sida wax looga qaban karo, markaa Xisbi ahaan aragtidayada aanu Qaranka kala mideysanahay ee ah waxaanu aaminsanahay inay Somaliland tahay dal madax bannaan oo leh sharci, dadkiisuna ay u codeeyeen madax bannaani, xudduudihiisuna ay yihiin kuwii gumeystuhu ka tegay, laakiin waxaanu jecelnahay in wax walba nabad lagu gaadho, waxaanu se ka mideysanahay dawlad iyo Shicib iyo Xisbiyo ba in aanu aaminsanahay Xudduudahayga, Dalnimadayada, iyo Qaranimadayada, mana lahaa taasi wax tanaasul ah, laakiin wax kasta nabad ayaanu ku doonaynaa, xukuumadda ayaana loo daba fadhiyaa wixii ammuur ah ee ay ka wada shaqaynayaan, annagana wixii la nooga baahdo ee nabadgelyo, horumar iyo dalka wixii ka taagan ba diyaar baanu u nahay, waananu ku garab taaganahay dawladda Somaliland iyo Adduunka kale ba”. Ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Xasan