Wasaaradda Waxbarashada Oo Wax Ka Beddeshay Go’aan Ay Hore Uga Biyo-diideen Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay.

0
57

Hargeisa(Kaafimedia)Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee JSL ayaa wax ka beddeshay Go’aan ay hore Muddo bil ah ugu kordhisay Fasaxa Ardayda dugsiyada Dalka.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhawaan soo saartay in Dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo la furi jiray bisha 8-aad, la furi doono bisha 9-aad, taasi oo ka dhigan in muddo bil ah lagu kordhiyey Muddada fasax ah, laakiin kulan ay Maanta Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay yeesheen, ayaa Wasiirka Waxbarashadu ku sheegay inay Go’aankii hore wax ka beddeleen isla-markaana Dugsiyada gaarka ah la geli doono 11-ka bishan August, halka Dugsiyada Dawladdu furmi doonaan 1-da bisha 9-aad.