• Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Jigjiga, Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Shacabka La Hadlay Iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya Oo Xalay Soo Saartay Hanjabaad.

0
344

Hargeysa(Kaafimedia/W.Wararka)-Xaaladda magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa inkastoo ay degenayd xalay cawayskii, haddana waxa laga dareemayaa cabsi iyo jaho-wareer. Waxa magaalada laga jaray shalay galab Korantada; Internet-ka iyo Biyaha taas oo walwal kale abuurtay., laakiin xalay cawayskii magaalada ayaa noqotay mid xaaladeedu caadi ku soo noqonayso.

Ciidamada Milatariga Dowlada Federalka Ethiopia ay shalay barqadii la wareegay Magaalada Jigjiga, gaar ahaan madaxtooyada, xarunta baarlamanka iyo xarunta Telefishinka ESTV.
Reer Jigjiga ayaa shalay ku waabariistay Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamadan oo ku suggan dhamaan jidadka waaweyn ee magaalada

Madaxweynaha dawladda Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa saacado badan la waayay meel uu ku suganyahay, waxaana soo baxay warar kala duwan oo qaarkood sheegayaan in ciidamada federaalka Itoobiya ay gacanta ku dhigeen.

Xigasho:Geeska

Kaafimedia Hargeisa Office.