Cali-Guray Oo Si Adag U Dhaliilay Xubnaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Doorka Siyaasadda Arrimaha Dibada Ee Somaliland

0
76

Hargeysa, 05 August, 2018 (Kaafimedia)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa si adag u dhaliilay xubnaha Golaha Xukuumadda ee Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana sheegay in Wasaaradii arrimaha Dibadu ka gaabisay kaalintii ay ka qaadan laheyd isbedelada ka socda dalalka Geeska Afrika.

Siyaasi Cali-guray oo ugu horreyn ka hadlaya sida uu u arko isbedelada ka socda Geeska Afrika iyo ahmiyadda ay u leeyihii Somaliland, ayaa waxa uu yidhi “Somaliland, haddii ay ka hadho oo ay ka dhex muuqan weydo xaaladda isbedelada Geeska Afrika, oo ay siyaasadeedii arrimaha dibadu biiqdo layskuma joojinayo”, waxaanu intaasi ku daray, “Runtii, Somaliland kama dhex muuqato, waxaanay aheyd inay ka muuqato, waayo waa mixwarka lagu dhex wareegayo haddii ay tahay Mandaqada iyo Gobolka ba, doorka ay Somaliland wasaaradeeda arrimaha dibadu ciyaari karayso, si ay arrinkan uga midho dhaliso, waana fursad isbedelka Gobolka ka socda, iyo khilaafka soo kala dhex galay Jabuuti iyo Soomaaliya oo ay Jabuuti si run ah ugu sheegtaa oo ay ka iibisaa waanu idin arkayney labaatankii sano ee u dambeeyay inaad laf tooban ku hayseen oo aad is laheydeen Soomaali isla doonta, dadkaa Soomaali iyo dhiigaa daadanaya wax ka qabta, laakiin annagu (Somaliland) waanu idin eegaynay, maka wada hadalnaa mise siyaasadii gurracneyd ayaad dabada sii haynaysaan oo inamadiinu (Askar) waxay ku dhiman Muqdisho oo iyaduna idinka raaci Erateriya, mise waynu tashanaa, waayo halka ku xigta ee soomaali xadka la leh Jabuuti waa Somaliland, u mallayn maayo inay qaadan karayaa, laakiin door fiican oo ay ka ciyaari karayaan ayaa u yaalla”.

Siyaasi Cali-guray waxa kale oo uu si adag u dhaliilay heerka xubnaha golaha Wasiiradda iyo sababtii uu u xushay Madaxweyne Muuse Biixi, “Madaxweynuhu waxa uu dhaxlay waayo aragnimada afar Madaxweyne oo hore iyo ilaa ururkii SNM oo uu ahaa oo waayo aragnimo u dhimani ma jirto, waxaanay aheyd isagoo ka shidaal qaadanaya oo ka faa’iideysanaya inuu soo dhiso, balse waan ka garaabayaa tabashada xukuumadda ee dadweynaha ee ah maaha heerkii aanu ka filaynay Madaxweyne Muuse Biixi”.

Ugu dambayntiina, Siyaasi Cali-guray waxa uu ka hadlay xaaladaha ku geddaaman waqtiga madaxweynaha, “Madaxweynaha la doorto sanadka koowaad iyo ka labaad xawliga uu ku socdaa waa fursada ugu qaallisan ee uu haysto, mana haysto sanadaha danbe, sida immika muuqatana Badhasaabadiisu waa daciif, waxaanay aheyd in dhibaatooyinka qaarkood Gobolka lagu xaliyo oo ay kaga filnaadaan hawlaha Gobollada, Wasiiradda uu magacaabay na waxay aheyd inay hal-abuur qaataan oo ay dad curin leh uu qaato, waayo waxa ugu adag ee la maareeyaa waa isbedelka, waayo caddow badan ayuu leeyahay isbedelku oo wax baa soo dhismay, immika se Madaxweynaha ayey dhibaato iyo culeys badani saarantahay, sida keliya ee uu kaga bixi karaana waxay tahay inuu awood qaybin sameeyo oo uu dadka uu qaadanayana inuu ku qiimeeyo maaha shahaadad buu sittaa, waayo waxa lagu qaataa 20%, markaa Madaxweynuhu wuxuu iloobayaa 80% ah waayo aragnimadii shaqada, curintii, wada shaqayntii, markaa waxaan qabaa inuu wax sixi doono Madaxweynuhu, waana inuu leeyahay siyaasiyiin lataliyayaal u ah oo la garanayo” Ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray)

himilo.

Kaafimedia