Deg Deg:Shirkadda Diyaaradaha Eritrea Oo U Duushay Addis Ababa Iyo Dareenka Rakaabka Raacey.

0
121

Shirkadda diyaaradaha Eritrea ayaa si rasmi ah u billaawday duullimaadka ay ku imaneyso Addis Ababa.

Shirkadda Diyaaradaha Eritrea waxay Addis ababa Timid muddo 20 sanno kaddib.

Diaaraddi ugu horreysay oo ka soo kicitantay Asmara waxay maanta Barqadi soo gaartay magaalada Addis Ababa.

Diyaaradduna waxay sidday rakaab isugu jira masuuliyiin dhinaca gaadiidka hawada Eritrea, dalxiisayaal iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah waddanka Eritrea.

Waxaana diyaaradda wafdigi saarnaa gigada diyaaradaha ee caalamiga waxaa ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Hirut Zemene iyo mas’uuliyiin kale.

17 maalmood ka hor waxaa magaalada Asmara ka degtay diyaaraddii ugu horreysay oo mudda 20 sana ah ka socotay shirkadda diyaaradda Itoobiya oo sidday 456 qof oo rakaab ah.

bbc

Kaafimedia