Dawladda Somaliland Oo Adkaysay Amniga Xuduudka U Dhexeeya Itoobiya, Ka Dib Rabshado Ka Dhacay Xarunta Ismaamulka Soomaalida

0
164

Hargeysa, 5 August, 2018 (Kaafimedia ) –  Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Rabshado dhiig ku daatay oo Saacado badan oo Shalay ah ka socday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Rabshadahan oo bilaabmay markii Ciidammada Federaalka Itoobiya la wareegeen Xarumaha Dawladda ee ku yaalla Magaalada Jigjiga isla-markaana uu Magaalada ka baxay Madaxweynihii Ismaamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Dawladda Somaliland oo ka fikiraysa amniga Dalka, maaddaama oo Somaliland ay xuduud wadaagaan Dalka Itoobiya, gaar ahaan Ismaamulka Soomaalida rabshaduhu ka dhaceen waxay kor u qaadday amniga degmooyinka ku teedsan Xuduudka Itoobiya iyo Somaliland, si looga gaashaanto wax kasta oo dhibaato amni-darro u keeni kara Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay uu Telefiishanka Eryal waydiiyey waxay kala socdaan shaqaaqada ka taagan Magaalada Jigjiga, ayaa sheegay inay Dawlad ahaan la socdaan waxa ka socda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay xuduud wadaagaan Somaliland, waxaanu yidhi isagoo Arrimahaa ka hadlaya “Itoobiya waa Dal aynu leenahay xuduud dheer, waa Dal uu illaaqaad Walaalnimo innaga dhexeeyo.”

Wasiir ku-xigeenka Amnigu wuxuu sheegay inay digtoon yihiin Dawlad ahaan “Waanu digtoonahay, waxaanan farayaa dhammaan degmooyinka ku teedsan xuduudka in la ilaaliyo Xuduudka oo la sugo, in la ilaaliyo Dadka reer Itoobiya ee ku nool Xuduudka iyo Dalka gudihiisaba oo la dhowro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu mar kale ku celiyey amarka ah in la sugo Amniga xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya “Waxaan farayaa dhammaan Guddoomiyeyayaasha Degmooyinka inay ilaaliyaan Xuduudka wixii ka baxaya wixii soo gelaya, inay aad u ilaaliyaan ayaan farayaa.”

Mudane Maxamed Muuse Diiriye, waxa kale oo uu sheegay in nabadgalyada Somaliland iyo Itoobiya yihiin isku mid “Labada Dal Nabadgalyadoodu way isku xidhan tahay, haddii taasi (Itoobiya) wax noqoto Tanna (Somaliland) wax bay noqonaysaa…” ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey “Waxaanu leenahay Annagu diyaar baanu u nahay inaanu dhinacayaga Nabadgalyada ilaalino, iyaguna inay geestooda ilaaliyaan waajib baa ka saaran.”

Kaafimedia Hargeisa Office.