WADDANI Oo Sheegay In Gol-daloolooyin Xisbi Ahaan Ka Dhex Jiray Qayb Ka Ahaayeen Sababihii Uu Doorashada Ugu Guul-daraystay.

0
79

Hargeysa, 5 August, 2018 (Kaafimedia) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay inuu wax ka beddel ku samaynayo Siyaasaddiisa guud ahaan, si uu iskugu diyaariyo Doorashooyinka sannadka dambe ka dhacaya Jamhuuriyadda Somaliland.

WADDANI ayaa sheegay inay jiraan God-daloolooyin uu lahaa Xilligii doorashadii Madaxtooyada uu kaalinta labaad ka galay, sidaasi darteedna uu dib u sixid ku samaynayo khaladaad uu Xisbigu aamisan yahay inay jireen Xilligii Doorashada, taasina qayb ka ahayd Sababihii keenay inuu doorashadu ku guuleysan waayo.

Siyaasiga Cali Cantar oo ka mid ah Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo Shalay u warramay Telefiishanka Somali Cable, ayaa sheegay in Xisbi ahaan aaminsan yihiin khaladaadka ay Komiishanka ka tirsanayaan oo keliya aanay sababin inay Doorashada guul ka gaadhi waayaan, balse ay jireen khaladaad xisbiga dhexdiisa ka jiray, khaladaadkaana la saxayo marka la qabto Shir-weynaha Xisbiga WADDANI, kaasi oo 9 bilood ka dib la qabanayo.

Cali Cantar oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “9 bilood baa ka hadhay Shirweynaha Xisbiga WADDANI. Shirweynahaasi marka uu bilaabmo waanu beddelaynaa wax Alaale iyo wixii Arrin ahaa, sidii loo kala sarreeyay, si kastaba wax baanu ka beddelaynaa.”

Cali Cantar waxa kale oo uu sheegay “Siyaasaddii guud ee Xisbiga waxbaanu ka beddelaynaa, waxaanu doonaynaa inaanu xisbiga dib u saxno, waayo? khaladaadku ma ahayn kuwa komiishanka uun nagaga yimid ee Khaladaad aanu Annagu lahayn baa jira, kuwii aanu lahayna waanu xallilaynaa, God-daloolooyinkayagii waanu haynaa, waanuna awdaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay Xisbi ahaan ku taagan yihiin go’aankoodii ahaa in la kala diro Komiishanka Doorashooyinka Qaranka “Xisbi ahaan waanu jecel nahay in Doorashadu xilligeeda ku dhacdo, laakiin dhowr bilood ka hor ayaanu sheegnay oo aanu nidhi ma ogolin in mar dambe uu Komiishankaasi uu gar noo naqo, komiishankana xaq ayaanu u leenahay inaanu durno, waxaanu ku duraynaynaana waa wax Cad, hase-ahaatee Madaxweynuhu wuu naga dhegaysan waayay, arrintaas oo suurto-gasho mooyaane Annagu doorasho aanu gelaynaa haddaanu nahay WADDANI ma jirto, laakiin haddii arrintaasi dhamaato (La kala diro Komiishanka) waanu galaynaa doorashada.”

Himilo.

Kaafimedia