Cali Caliyow Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Waxyilihii Uu Kala Kulmay Wasaaradda Warfaafinta

0
146

Hargeysa, 07 August, 2018 (Kaafimedia)-Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ayaa si adag uga hadlay waxyaalihii uu kala kulmay Wasaaradda muddadii uu shaqaynayey iyo sidii hawl qabadkiisa loo arkayey iyo waliba wixii u qabsoomay intii uu xilka hayey.

Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee dhawaan xilka laga qaaday ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey xaflad uu xilka ugu wareejinayey Agaasimaha cusub ee Madaxweynuhu u soo magacaacay, ayaa waxa uu ugu horreyn ka warramay dareenkiisa ku wajahan Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaanu yidhi “Shaqaale idinka fiican oo aan arkay intii aan soo shaqeynayey Wallaahi iyo Billaahi in aanu jirin, marka aan shaqaalaha leeyahay Wasiirka iyo ku xigeenkuna way ku jiraan, oo cid aan kala reebayaa ma jirto”, Cali Caliyow waxa uu intaasi ku daray “Shaqada, khilaafaadku had iyo goor way iska yimaadaan oo wax baa laysku diidaa oo wax baa laysku ogolaadaa, maalina waa heshiis dadku, maalina ma aha, laakiin sidaasi oo tahay haddana Bani-aadamnimadii iyo shaqadii ba way ka dhexaysaa”.

Cali waxa uu farriin duur xul ah u gudbiyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Wargaafinta, “Waxa idiin taagan Diyaarad mottoorkeedu jet yahay, aan marawaxada aheyn oo idin sugeysa, oo ay tahay inaad kaxeysaan, oo ay Jamhuuriyadduna dul saarantahay oo aad kor u qaadaan, waayo waxaad tihiin afkii Jamhuuriyadda Somaliland”.

Sidoo kalena, Cali Caliyow waxa uu ka warramay muddadii uu xilka hayey iyo sidii uu uga tegay, “Intii aan anigu islahaa samee waa in kulligiin aad isleedihiin wada sameeya, laakiin aniga ILAAHAY ayaan nasiib ii siin in aan gunteeda gaadho, laakiin waxaad iigu ballanqaadaysaan wixii aan ka tegay ee uu Qaranku lahaa in indhihii iyo dhegihii Jamhuuriyaddu lahaa aad noqotaan, inaad si hawlkarnimo ah aad u qabataan oo aad uga shaqeysaan haddii ALLE yidhaa, muddadii yareyd ee aan idinla joogay waxaan u mallaynayaa masuul sidii aan u lugeeyey u lugeeyey inuu jiro u mallayn maayo oo xafiis kasta iyo goob kasta waan idiinku immid, balse dad ayaa u haystay in aan macaan qabo oo aan lug-lugeynayo, laakiin waan caafimaad qabaaye idinkana waan idin baranayey, qof kastaana wuxuu qabto waan baranayey, dadkuna isku wada mid maaha oo dad shaqeeya iyo dad ila shaqeeyaa way jiraan waxaanan jecelahay inay noqdaan sida kuwa hore”. Ayuu yidhi Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta.

Kaafimedia Hargeisa Office.