Ciidamo Iskaashanaya Oo Qabtay 6 Harimo-Cad Ah Oo La Doonayey In La Dhoofiyo & Dadkii Watay

0
153

Ceel-Sheekh, 7August, 2018 (Kaafimedia) – Ciidammada Ilaalada Xeebaha iyo Ciidammada Qaranka oo iskaashanaya ayaa Gacanta ku soo dhigay Lix Harimo-cad oo la doonayey in sifo sharci-darro ah dalka looga dhoofiyo.

Ciidammada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay Gacanta ku dhigaan Laba Nin oo Harimo-cadyadaa watay iyo gaadhigii lagu sidayba, waxaana labada Nin la hor-geyn doonaa Sharciga, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga JSL oo Warbaahinta la hadlay.

Agaasimaha Waaxda Duur-joogta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Cabdinaasir Xuseen Siciid oo markii Harimo-cadyada iyo Raggii watayba la soo qabtay la hadlay Warbaahinta ayaa yidhi “Wasaaradda deegaanka iyo Ciidammada Qaranka oo iskaashanayaa waxay ku guuleysteen inay soo qabtaan Lix Hariimo-cad oo sifo Sharci-darro ah la doonayey in Dalka looga dhoofiyo, Lixdan Hariimo-cad waxa laga soo qabtay inta u dhaxaysa Bullo-xaar iyo Ceel-sheekh. Waxa lagu soo qabtay laba Nin oo watay. Labada Maxbuus waxay doonayeen inay sifo sharci-darro ah dalka uga dhoofiyaan hariimo-cadka.”

Agaasime Cabdinaasir wuxuu u Mahad-celiyey Ciidammada Qaranka iyo kuwa ilaalada Xeebaha “Waxaanu u Mahad-celinaynaa Ciidammada Qaranka iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha oo muujiyey dedaal aad u badan..”ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Cid kasta oo lagu qabto Ugaadhsiga Duur-joogto ay Sharciga waajihi doonaan “Dadka lagu qabtay Lixda Harimo-cad ee dhalo ah waa Dad hore u caadaystay oo horena dhowr jeer oo hore loogaga digay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ogaysiinaynaa Dadka reer Somaliland ee hunguri ka galo inay ka baayac-mushtareeyaan Duur-joogta kala duwan ee Somaliland ku dhaqan inuu noola mid yahay Qof la tahriibinayo, markaa waanu uga digaynaa Ugaadhsiga Xayawaanka..”

Kaafiemdia