Madaxweynaha Somaliland Muxuu Ka Yidhi Isbedelada Geeska Afrika, Xaaladda Itoobiya, Soomaaliya ?

0
65

Borama, 07. August, 2018 (Kaafimedia)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warramay xaaladda dalka Itoobiya iyo sida uu arko tallaabooyinka uu qaaday Raysal wasaaraha dalkaasi iyo isbedelada ka dhashay, isla markaana waxa dadka reer Somaliland u diray baaq la xidhiidha sida ay ula dhaqmayaan dadka Reer Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku sugan dalka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Gobolka Geeska Afrika intii la doortay ra’isal wasaaraha cusub ee Ethiopia waxa uu keenay fikrado aad u wanaagsan oo ah halla wada nabdo, halla is-kaashado, halla wallaaloobo, geeska Afrikana haka baxo dhibaatada, Somaliland hore ba taas way ula taagneyd, immikana waanu ku hambalyeynaynaa, waananu la ogolnahay, waxase jira fikrad kasta oo wanaagsan oo aad keento waxa ka hor yimaada carqalado, waxaananu Ilaahay ka rajaynaynaa in waxyaalaha ka hor yimaada ama kuwa jira ba inay ku dhammaadaan si nabadgelyo ah, oo xagga wanaagsan loo wada dhaqaaqo”. Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray, “Dawladda Itoobiya waa Dal aynu jaar nahay, jaarkaaga Ilaahay baa kuu doora ee ma dooran kartid, waxaanaynu mar walba u taaganahay inaynu kula noolaano nabadgelyo iyo walaaltinimo loo simmanyahay oo aanu midna mid dulmiyin, maanta hawshaasi ay ku jiraana waxaanu u rajaynaynaa wixii dhibaatooyin ka yimaada gudahooda inay nabad ugu dhammaato, Geeska Afrikana wixii carqalado ka yimaada in nabad lagu xalliyo oo xagga wanaagsan ee iskaashiga ah ay inoogu dhaqaaqdo”.

Dhinaca kalena, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu baaq u diray dadweynaha, “Halkan waxaan ugu baaqayaa dadka reer Somaliland oo dhan gees ilaa gees oo ay kow ka yihiin ardayda Jaamicadda Camuud iyo Gobolka Awdal, Dalka Somaliland waxa jooga dad badan oo Itoobiyaan ah afkay doonayaan haku hadleene waxaan codsanayaa inay dadkaasi ammaan ku joogaan dalka oo aan loola dhaqmin si cadowtinimo ah, oo haddii ay xaggaa (Itoobiya) wax ka dhacaan in aanay caadifadi ina qaadin, qofka dalkaaga kula joog Diin, Dhaqan iyo Dadnimo ba waa magantaa, magantana dhaqan baynu ka leenahay ku Islaam iyo mid Dhaqan ba, haddii aynu reer Somaliland nahay waa inaynu nabadgelyadooda dhawraan oo aanay xageena wax dhibaato ahi ka imman, haddii ay dad cusubi inoo yimaadaana dhinac kasta ba ha inooga soo tallaabeena oo Yemen iyo xudduudaha ayaa laga soo tallaabi karaaye, mar walba waxa inoo ballan ah in dadka inoo yimaada ee inoogu yimaada Abaar, Colaad, Ganacsi, Waxbarasho, Wax wada qabsi ama si kale ba, inaynu ula dhaqano si wanaagsan oo sidii marti loo dhaqi jiray ah, oo sidii maganta loo hayn jiray ah, taasi waa codsi aan u diraayo dadka Somaliland oo dhan”.

Dhinaca kalena, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay dadka u dhashay dalkaasi Soomaaliya, “Waxaynu aad u soo dhaweynaynaa Dadka Waxbarasho, Caafimaad, Safar, Deegaan, Dalxiis inooga yimaada walaaladeenii aynu Soomaaliya isku ahaan jirnay, waa dadkeenii sidaa ay ku yimaadeen Somaliland iyagana waynu soo dhaweynaynaa, wax colaad ah oo innaga dhexeeyaana ma jirto”.

Sidoo kalena, Madaxweynuhu waxa uu ummadda Somaliland u diray baaq ku aadan dadka Reer Soomaaliya ee ku nool Somaliland, “Haddii aynu Somaliland nahay waayo arag ayeynu ku nahay colaad iyo dagaal wuxuu dhalo, waxaynu aragnay waxay leedahay nabada iyo wanaagu, cid walba waxaynu ugu horseedaynaa dulqaadka, nabada, wax wada qabsiga iyo xagga wanaagsan oo aynu eegno, waxaanan ka rajaynaynaa bahda Camuud inay horsed ka ahaato, taana intaasi ayaan ka idhi waa ta gobolka’e”. Ayuu yidhi Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka sheegay

Ugu dambayntii, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu arrimahan kaga hadlay khudbad uu shalay ka jeediyey Jaamacadda Cammuud oo lagu qabtay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 17aad Ee Jaamacadda Camuud Ka Baxda Sannadkan 2018-ka, waxaana xusid mudan in aanu Madaxweynuhu aanu ka hadal khilaafka ka dhex alloosan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo dib u soo laabashada gobolka ee dalka Erateriya iyo waliba sida arrimahaasi u saamayn karaan Somaliland iyo waxyaalaha uga meel yaalaba.

Kaafimedia