Mudane Wasiir Waa Imisa Lacagta Ku Baxda Ictiraa Raadinta Somaliland, Maxayse Ka Helaan Shacbiga Somaliland? By Abdiqani Egeh.

0
81

Wasiirka arimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Xalay Su’aalo kooban lagu waydiiyay Kulan ay Soo qaban Qaabiyeen Xarunta Falaqaynta Siyaasada (CPA), Dr Sacad waxa uu ugu horayn Si gole ka fuula ah u tibaaxay Mawduuc loo asteeyay oo ahaa Isbadaledda Geeska afrika ka socda iyo Saamaynta ay Somaliland ku leeyihiin.

Dr Sacad oo daqiiqado kooban Qodobkaas isdul taagay, waxa la taaban karana aan ka odhan Saamaynta Siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay Somaliland ku leedahay ayaa Su’aalo kooban ka jawaabay, Waxa uu amaanay heerka siyaasada Arimaha Dibada Somaliland taagan tahay, isaga oo ku sifeeyay in Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland ay meel wanaagsan marayso, waxa kale oo uu Dr Sacad tilmaamay in Miisaaniyada Wasaarada Arimaha dibadu aad u kooban tahay oo ay faro guudkood tahay.

Intaas ka dib ayaan dib u milicsaday diiwaanka Xogo kooban oo aan hayay oo markaas igu soo dhacay, waxa ii soo baxay wax ka duwan sida Dr Sacad sheegayo, si aan markaas isu garab dhigo labadaas ayaan damcay in aan Su’aal waydiiyo Wasiirka, lakiin nasiib daro wakhtiga oo gaabnaa darteed iima suurto galin. Haddaba aan idin la wadaago Su’aasha iyo xogtaba si cidii fursad u heshaa ay u waydiiso wasiirka.

Muddo ku siman laba bilood ka hore oo ku beegan horaantii Bishii June 2018, waxa maqaal dheer oo afka Ingriisiga ku qoran soo saaray kuna daabac Joornaalada dalka, Mareegaha wararka laga baahiyo iyo baraha bulshadaba Aqoonyahan Aadan Muuse Jibriil oo ah Ambassador, Qoraa, cilmi baadhe iyo falanqeeya Siyaasada Geeska afrika ah, Aadan (sida aan ka xigtay Qoraal Cabdiraxmaan Cadmi qoray) wuxuu xidhiidh la leeyahay diblomaasiyiin iyo madax tiro badan, wuxuu galaangal u leeyahay xafiisyada AU -da ee xaruntoodu tahay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. Waxa uu safiir ka soo noqday Ingriiska, Wakiilka Xarunta Midowga afrika u fadhiya Somaliland, Aaden nasiib daro shaqada Wasaarada Arimaha dibada ayuu dhawaan iska casilay.

Maqaalkan oo uu Ciwaan uga dhigay “Somaliland Foreign Policy and the Equation of Existence and Thought” wax uu kaga hadlayaa waxyaabo badan oo Siyaasada arimaha dibada Somaliland khuseeya. Ugu horayn waxa uu bud dhig fiican u samaynayaa sida noloshu isbadalka ugu xidhan tahay (dynamism of life and human progress), sidoo kale Jiritaanka ummaddnimada, nabad iyo dhisitaanka Dawladdnimada, waxa uu taas garab dhigayaa horumar kasta oo waddan sameeyaa inay aasaas u tahay dariiq cad oo uu horumar kaasi ku gaadhay (Roadmap), sidaas oo kale, ayay Siyaasadiisa arimaha Dibaduna ugu baahan tahay qorshe Cad oo laga duulo si looga midha dhaliyo.

Aqoonyahan Aaden waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Siyaasada Arimaha dibada Somaliland ay wayday dariiqaas Cad oo ay ahayd mid taagan oo aan waxa horumar ah samayn laga soo bilaabo 2010 kii oo Md Siilanyo Xukunka qabtay, waxa uu xusayaa in sidaas lagu waayay fursado badan oo albaabkeena soo garaacay, waxa uu yidhi sidan;

“With the absence of a well explained visionary theorem for the Somaliland foreign policy the reality remained a continuation of stagnancy and without progress. In fact the same material existence persisted since 2010, where structures and a number of dutiful humans of men and women with great potential competencies but without the weapon of theory to enlighten their minds regarding the road to progress and to recompense what they lacked about national foreign policy strategy.

As an outcome of this stagnancy all opportunities for gaining the ability to move forward were lost and to ascending above the day-to-day random engagements which continued in the form of appointments, meetings, visits, assignments, and even serious commitments to dealing with daily issues ended up in vain”

Dr sacad oo Kulanka Xalay ee xog-waranka isbadelka iyaasada Geeska afrika ahaa kaga habsaamay “meetings” kaas uu Aden Muuse Jibriil Ku sheegay kuwa aan natiijo lahay.

Mar rabo in aan maqaalka soo wadda raro, lakiin aan baytal qasiidka ama nuxurka tago. Aqoonyahan Aden Muuse Jibril oo Dr Sacad uu ugu yimi Wasaarada Arimaha dibada ayaa maqaalkiisa ku sheegay in Xidhiidhka Arimaha dibada ee Gobalka Geeska afrika iyo dunidaba uu marayo halkii ugu hoosaysay laga soo bilaabo Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo xusayaa in ay taas qirayaan saaxiibo iyo Aqoonyahan Somaliland taageeraa, waxay sheegayaan in ay garan waayeen cid ay la xidhiidhaan, taasna ay ku khasabtay in ay meelo kooban oo amaanku ka mid yahay kala shaqeeyaan. Waxa uu Aden yidhi sidan;

“The relationship with both the region and the world at large reached its lowest level with the Ahmed Silaanyo’s regime. A Western Scholar and friend of Somaliland told me this; ‘We don’t have anything in common to work with the Silaanyo’s government with the exception of a limited security areas, because we don’t know even with whom we can deal..”

Maqaalkaas oo dheer oo waxyaabo badan uu ku tabaanayo aynu intaas ku dayno, Xogta maqaalanki xambaarsan yahay waxay kaga duwan tahay ta dadka kale ay qoraan waa mid qofka qoraaaga ah uu yahay kii shaqadan gacanta ku hayay oo aanay jirin cid uga war badani, sidaas darteed aynu is waydiino meesha wanaagsan ee Dr Sacad sheegayo waxa ay tahay? Miqyaaska uu ku qiyaasay Siyaasada Arimaha dibada Somaliland mar haddii khubaradii uga aqoonta badnayd Sidaas sheegayso?

Dhanka kale, Wasiir Dr Sacad waxa uu tilmaamay in Miisaaniyada Wasaarada ay aad u yartahay taas oo dabraysa shaqada Wasaarada, haddaba aan eegno afartii sano ee ina dhaafay 2014 ~ 2018 Miisaanayada Aqoonsi raadinta loo asteeyay ( ma aha Miisaaniyada Wasaarada oo dhan ee kaliya waa waxa la xidhiidha aqoonsi raadinta).

Marka la isku daro Kharashyada ku baxa Safaaradaha & Qunsuliyadaha, Hawsha Iskaashiga Caalamiga ah, Sanduuqa Aqoonsi Raadinta, noolka Safaradda Dibadda, iyo kharashka ku baxa xafiiska qurbejooga oo galaan galkoodu muhiim yahay, ayaa ah 88,377,054,400 SLSH oo u dhiganta $8, 837, 705 USD (rate, 10,000 Shilin), sidaas darteed maxay dadka Soomaliland ka heleen bixinta waxaas oo lacag ah haddii wali qofkii xanuunsadaa aanu hawlihiisa caafimaad ku tagin karin baasaaboorkiisa Dibada? Sidoo kale marka aad isbarbar dhigto aduunkaas badan ka badan Sideed Milyan ee Dollar ma yahay wax u baahan dib u eegis?

Su’aalahaas oo si kooban aan u dhigi lahaa ayaan rabay in aan Wasiir Sacad waydiiyo lakiin nasiib xumo jaanis uma helin?

Tixraac:
~ Aden Muse jibril, “Somaliland Foreign Policy and the Equation of Existence and Thought” June 4, 2018
~ Miisaaniyadihii Somaliland ee 2014 ilaa 2018, ka eeg bogga baaralaamka Soomaliland.

Allaa Mahad leh.
Abdiqani Egeh

Kaafimedia Hargeisa Office.