Maareeyaha Dekadda Oo Beeniyay In Sun Lagu Aasay Dekadda Berbera.

0
103

Hargeysa (Kaafimedia)- Maareeyaha guud ee dekadda Berbera, Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa beeniyay warar sheegayay in shirkadda DP. World ee gacanta ku hasya maamulka iyo dib u casriyaynta marsadaasi ay sun ku aastay dekadda. Sidoo kalena waxa uu sheegay in dib u soo nooleynta rajada Somaliland ay qayb weyn ka tahay shirkada Dp. World.

Hadalka maareeyaha dekedda Berbera, ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhawaan uun aheyd markii uu warbaahinta ka sheegay in dekedda Berbera sun lagu aasay caaqil Maxamuud Siciid Muuse, oo ka mid ah cuqaasha gobolka Saaxil. Waxaanu maareeye Siciid sidan ka sheegay wareysi uu siiyay telefiishanka Eryal.

Siciid Xasan Cabdillaahi, saga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ninka caaqilka ah ee eedeynta u jeediyay dekadda, ka hor intii aanu hadlin in uu aniga wax iga soo weydiiyo ayay aheyd. intii aanan la wareegeen xilka dekadda Berbera waxaa ka dhacay gubasho, taasina waxaa sababay waxay aheyd alaab kimiko ah, kadib markii uu kuleylkii ku dhacay ayaa dab qabsaday.

Shirkaddii keentay alaabtaasi kiimikada aheyd ee ku gubatay dekadda Berebera, ayaa ka masuul aheyd dhibaatadii ka dhacday dekadda, arrintaasina maxkamadda ayay ku jirtaa.”

Maareeye Siciid, waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay suntan la sheegay in dekadda lagu aasay, waxaanu yidhi “Sunta la sheegayo ee dekadda lagu aasay waxba kama jiraan. Insha Allah maalinta Sabtida ayaan soo bandhigii doonaa. Eedeynta intaa leegi maaha eedeyn sahlan, waxaanay dhaawac ku tahay dedaalada iyo horumarka la higsanayo. noqonmeyso in wax leyska yidhaaho iyo waxaad doonto ku kac.

Shirkadda DP. World heshiis ayaynu la galay, rajo wanaagsanna Somaliland ayay gelisay. ninka is leh DP. World si dhib yar ayay ku tageysaa, ama go’aan dhib yar ayaa lagaga tagayaa, waxba kama jiraan ee candhuuftaada dib u liq. caaqilka laftiisa faahfaahin ayuu ka bixin doonaa maalinta Sabtida ayaanu soo bandhigi doonaa.”

Maareeyaha guud ee dekadda Berbera, Siciid Xasan Cabdillaahi, waxa uu intaasi raaciyay “Waxa jira waxyaabo iska mucaaradad ah, waxna waa mustaqbalkii ubadkeenna. DP. World sawirka Somaliland oo dhan ayay badeshay. nin haddii uu toban faa’iido kugu qabo, adna aad hal faa’iido ku qabto, halkaaga faa’iido ayaa la eegaa. Isbadelka geeska Afrika ka dhacaya iyada ayaa kow ka ah.”

Maareeye Siciid, waxa kale oo uu sheegay in maalgashiga shirkadda DP. World ee dekedda Berbera ay sawir wanaagsan ka bixisay dalka Somaliland, waxaanu yidhi “Shirkadda DP. World, maanta anaga ayaa dareemayna sawirka aynu dunida ku leenahay, waana meelihii aynu ka raadineynay dariiqi Somaliland laga citiraafilahaa. ninkii jecel danaha ubadkeena iyo citiraadkeena muu taataabteen shirkada DP. World.

Waxaan u arkaa cid kasta oo ka hortimaada iyada oo aan wax caddeyna u heyn, cid ka soo horjeeda qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland, kuna shaqeynayaan gacmo shisheeye.”

Kaafimedia Hargeisa Office.