Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abye Ahmed Oo Adis Ababa Ugu Yeedhay Masuuliyiintii Ugu Saraysay Maamulkii Cabdi Illey Iyo Shir Xasaasi Ah Oo U Bilaamay.

0
251

Hargeysa(Kaafimedia) – Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi uga yeedhay xubnaha ugu sareeya Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ee sida dhaw ula shaqayn jiray Madaxweynihii hore ee Maamulka Jigjiga.

Dowlada ayaa la sheegay in u yeedhida ay ula gol leedahay talo jeedin maadaama Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Cumar uu ku jiro xabsi guri ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Xubnahani oo la sheegay inay tirro ahaan iminka gaadhayaan ilaa Soddon xubnood ayaa waxa ka maqan oo aan ka mid aheyn 3 Xubnood oo iyagu aan looga maarmii Karin ku sugnaanshaha magaalada Jigjiga kuwaa oo si ku meel gaadh ah usii haya maamulka.

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa aadista magaalada Addis Ababa oo looga yeedhay todobaadkii hore ee Tagay. Uyeedhista xubnahani ayaa timid ka dib markii Militeriga Itoobiya ay la tageen Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

Qorshaha u yeedhida xubnahan ayaa waxa iska lahaa oo qasdigeeda lahaa Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo hirgalinaya amar kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo isagu lahaa Fikirka loogu yeedhay xubnahan. Warar hoose ayaa sheegaya in xubnahaasi la faray inay tallo siiyaan Madaxweynihii xilka laga tuuray Cabdi Cumar, iyadoo tallo Miid ah la filaayo in laga gaadho Shirkaasi,islamarkaana loo gudbiyo.

Sidoo kale, xaaladda magaalada Jigjiga ayaa iminka ah mid dagan soo noqonaysa waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii caadiga ugu soo noqoto maadaama la dajiyay shacabkii kacdoonka sameynaayay ee gadoodsanaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalin Karin waxa kasoo bixi doona kulanka magaalada Addis Ababa uga socda dowlada Federaalka iyo xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya  ee hadda ku sugan Addis Ababa.

Foore

Kaafimedia