SOMALILAND: Shil Naxdin Leh Oo Shalay Ka Dhacay Duleedka Gabiley Iyo Tirada Dhimadashada & Dhaawaca Uu Geystay

0
87

Gabiley (Kaafimedia ) Shil uu sababay gaadhi nooca la yidhaa Noohada oo taayir u baxay isla markaasina siday rakaab badan oo kasoo raacay magaalada Wajaale ayaa waxa ku dhintay Afar qof oo midi yahay darewalkii baabuurka waday, Lix kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Shilkan oo shalay ka dhacay caro-tuulka oo galbeed kaga beegan magaallada gabiley ayaa Dhaawaca oo tiradoodu dhan tahay ayaa loo soo qaaday dhinaca magaaladda Hargeysa halkaasi oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka guud ee Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Agaasimaha cusbitaalka magaaladda Gabiley. “saaka (shalay) shir baabuur oo dhacay caro-tuulka oo galbeed kaga began magaalada Gabiley. Shilkaasi wuxuu ahaa 10 qof oo kala ah; 4 dhimasho ah iyo 6 dhaawac ah. Sida uu sheegay agaasimuhu afarta ruux ee geeriyooday ayaa kala ahaa, laba dumar ah iyo laba rag ah, sida uu sheegayna waxa dhimasho ahaan cusbitaalka la soo gaadhsiiyay labada raga ah, halka labada ruux ee dumarka ah iyagoo naftu ku jirto lasoo gaadhsiiyay balse saacado kadib ay ku dhinteen cusbitaalka.

Kaafimedia Hargeisa Office,