Warbixinta Golaha Wakiilada Ee Musuq-Maasuqa; Warbixin La Yaab Badan … Iyo Waraysi Ka Sii Yaab Badan – 14-08-2018.

0
85

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Waxaan xalay daawaday waraysi qaatay in ka badan saacad oo HCTV la yeeshay Xil. Nasir Cali Shire oo ah gudoomiyaha Gudida Ilaalinta hantida Qaranka, waraysigaasi oo ku saabsanaa warbixintii ay guddidu ka diyaarisay xisaab-xidhkii sannadkii 2016.

Dhaqan uma lihi inta badan in aan daawado waraysiyo badan oo ka baxa tv-yadeena, laakiin arrinkan iyo xiisaha gaarka ah oo uu abuuray ayaa igu kalifay in aan barnaamijka dhamaysto, walibana aan meelaha qaar dhawr jeer ku cel-ceshado. Markaa aan xuso qaar ka mid ah arrimaha la yaabka badan igu abuuray, waxa ka mid ahaa:

  1. wariye mudane Maxamed Ilig oo daadahaynayay waraysigan ayaan diyaar garaw fiicani ka muuqan, taasoo ka cadayd nooca su’aalaha uu waydiinaayay xildhibaanka oo aan aaminsanahay in aanay macno badan ku fadhiyin, haddii aan xuso hal astaan oo muujinaysa diyaar garaw la’aanta mudane ilig waxay noqonaysaa in intii uu waraysigu socday uu dhawr jeer ugu yeedhay xildhibaanka xilkan (gudoomiyaha gudida la dagaalanka musuq-maasuqa ee golaha wakiilada), iyadoo magaca guddidu ay tahay (guddida ilaalinta hantida qaranka ee Golaha wakiilada sida uu sheegaayo xeerka hanti-dhawrka guud 76/2016), dabcan khaladka noocan ahi waa mid fudud, marka loo eego arrinta kale ee aan xusi doono, laakiin waxay astaan fiican oo la taaban karo u tahay diyaar-garaw la’taanta wariyaha.

Dhibta haysata warbaahinteena waxay tahay in wariyuhu u haysto inuu wax walba kaligii garanaayo, oo aanuu u baahnayn inuu diyaarin dheer galo ka hor waraysi walba, ama uu samaysto shaqaale u sameeya baadhistan qotoda dheer, sida ka jirta warbaahinta caalamka, oo ugu dambayn wariyaha loo dhiibo su’aalaha oo ah kuwo in badan laga soo shaqeeyay.

Arrintan waxa kuu cadaynaysa in aad arkaysid in wariyaasheenu aad mar arkaysid isagoo soo gudbinaaya barnaamij siyaasadeed, mar kale-na soo gudbinaaya barnaamij la xidhiidha arrimaha bulshada, mar kale-na soo jeedinaaya barnaamijka la xidhiidha ciyaaraha ama fanka, arrintaasina maaha mid marnaba ka dhici karta warbaahinta in uun ixtiraamaysa caqliga iyo karaamada dadka ku xidhan.

  1. Isku dhex walaaqida wixii xaqiiq ah iyo wixii aragti ah ee uu xildhibaanku qabo, in kastoo qodobkani soo hoos galaayo diyaar-garaw la’aanta wariyaha, laakiin culayskiisa dartii ayaan u jecelahay in aan qodob gooni ah ugu xuso, anigoo aaminsan in uu gaadhsiisnaan karo dambi laga galayo garaadka iyo wacyiga ummada oo la sii dilaayo.

Xildhibaanku muxuu u yimid barnaamijka? Ma inoo xog ku saabsan shaqadiisa ee aan warbaahintu ogayn in uu u sheego? Mise inuu warbaahinta iyo dadwaynaha baro shuruucda dalka iyo nidaamkiisa ee cid walba heli karto?

Wariyaha ayaa laga doonayaa inuu hayo dhamaan wixii xog ah ee si guud bulshada loogu soo bandhigay, haddii ay tahay warbixinta ay guddidu soo saartay iyo haddii ay tahay shuruucda iyo nidaamyada kale ee dawlada uga dajisan arrintan, waxa kaliya ee laga doonaayo martida waa aragti iyo faallo iyo xogo aan bulshada loo soo bandhigin oo uu sifadiisa shaqo ku helay.

Haddaba marka aanuu wariyuhu wax xog ah ka haynin nidaamka guud ee dalka iyo shuruucdiisa iyo sidoo kale dhacdooyinka muhiimka ah ee dalka ka dhacay, wuxuu martidu jahliga wariyaha u adeegsanayaa si uu u noqdo macalin wax walba oge ah, taasoo waraysigan ay si weyn ugu jirtay in si badheedh u eeg uu xildhibaanku xog khaldan ka bixinaayay shuruucda iyo xogta guud ee bulshada ee hore loogu soo bandhigay.

Sidaa awgeed talada aan siinaayo warbaahinteena waxay tahay inay baadhis badan sameeyaan ka hor waraysi walba, si shacabka loogu soo bandhigo wax laga faa’idaysan karo.

Dhinaca Xildhibaanka iyo warbixinta Guddidiisa:

  1. Xeerka Hanti-Dhawrka Guud (76/2016) qodobkiisa 31 faqradiisa 1aad, wuxuu awooda baadhista dibadeed (External Audit) ee dhammaan hayadaha qaranka uu siinayaa xafiiska hanti dhawraha guud ee qaranka oo kaliya, taasoo la siiyay awooda isticmaalka khadka doogada ah oo aan cid kale awoodaasi loo siinin sida ku cad faqrada 2aad ee isla qodobka kor ku xusan.
  2. Haddii Xafiiska hanti-dhawrka u cadaato musuq-maasuq isaga kaliya ayaa awood u leh inuu dacwad uga gudbiyo xeer ilaalinta, sida ku cad qodobka 32aad ee xeerka (76/2016) faqradihiisa 1aad iyo 2aad.
  3. Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Golaha Wakiiladu guud ahaan waxay awood la xisaabtan ku leeyihiin Xafiiska hanti-dhawrka guud oo kaliya, ugamana sii gudbi karaan inay la xisaabtamaan cid kale, laakiin dhinaca xogta waxay xaq u leeyihiin inay ka helaan xafiiska hanti-dhawrka iyo meelo kale oo ka baxsan, laakiin kama dambaysta cida ay la xisaabtamayaan waa xafiiska hanti-dhawrka guud ee qaranka, sida ku cad qaybta lixaad ee xeerka (76/2016).

Haddaba warbixinta gudida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada aynu su’aalo iska waydiino:

  1. Maadaama ay in badan sheegeen in ilaha xogeed ee ay ku saleeyeen warbixintooda ay tahay Hanti-dhawrka guud ee qaranka, markaa miyaanay macneheedu ahayn in xafiiska hanti-dhawrku uu qayb ka yahay musuq-maasuqa maadaama uu fudaydiyay oo uu ogaa xogtan?
  2. Haddii aynu ka soo qaadno in dabagalka uu sameeyay xafiiska hanti-dhawraha guud uu ahaa mid gaabis ah, ama aanay sidii loo baahnaa aanay u dul istaagin mashruuc kasta oo la qabanaayo soona booqan, miyaanay taasi noqonayn xil-gudasho la’aan uu sameeyay xafiiska hanti-dhawrka guud ee qaranku? Miyaanay una qalmin inay la xisaabtamaan guddidu iyo goluhu?
  3. Maxay ka dhigan tahay marka ay warbixinta guddidu ay muwaadiniin iyo shirkado eedaysay isla markaana aanay hal eedayn ah u jeedin xafiiska hanti-dhawrka guud ee ay shaqadiisa ahayd inuu qabto oo uu daba-galo? Balse taasi badalkeeda uu gudoomiyaha guddidu uu ammaan badan kula dul dhacay Hanti-dhawraha guud ee Qaranka, Miyaan taasi loo turjuman karin heshiis qarsoon oo dhex maray guddida iyo hanti-dhawraha guud.
  4. Haddiiba aynu ka soo qaadno inay guddidu daacad ahayd, miyaanay noqonayn jahli iyo aqoon darro aad u weyn oo ay ku kacday? sida uu gudoomiyaha guddidu ka sheegay waraysiga in sababta u diiday inay sannadihii hore ee badnaa ay sidan u samayn waayaan ay ahayd aqoon darro haysay guddida, in kastoo uu xildhibaanku ka been sheegay in xeerka (76/2016) uu isago awoodan siiyay oo ay awoodani ka maqnayd xeerkan ka hor, taasoo ah been cad, iyadoo xeerku aanuu siin awoodan balse uu siiyay hanti-dhawrka guud ee qaranka, halka guddiduna iyo gole-waynuhuna uu awood u leeyahay la xisaabtanka hanti-dhawrka.
  5. Haddiiba uu golohu intii hore jahli iyo aqoon darro haysay sida ay sheegeen, immikadanna ay sii wadaan aqoon-darradii, maxaa dalkan u xal ah? Maxaa xal ah haddii ay aqoon-darrada la qabaan madax kale oo hambalyeeyay warbixinta guddida sida Mudane Faysal Cali Waraabe?

Arrinta ugu weyn ee warwarka igu abuurtay waxay tahay in hawshan aqoon darrada ku salaysan ay sii fogaynayso in dalka laga hirgaliyo nidaam dawlad wanaag iyo isla-xisaabtan, taasoo u sii seeta-dheeraynaysa musuq-maasuqa baahsan ee dalkeena la hadhay.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo xor ah oo Ilaaahay ka cabsanaaya wadankiisana rajo ka leh inuu joojiyo bixinta cashuurta nooc kasta ha ahaatee ilaa inta la hagaajinaayo nidaamka xisaabeed iyo maamul ee dawlada, inta awoodiisa ah, haddii aanuu awoodinna inuu ka baxsado oo uu ka meer meero bixinta cashuurta si aynaan u sii naaxin nidaamkan ma naxaanka ah ee dalka ku haabsaday.

Qof aan aqoon badan lahayn ayaa odhan kara joojinta cashuur bixintu dawlada ayuu duminayaa, qofka sidan oo kale u fikiraaya waxa muhiim ah inuu ogaado in sii bixinta cashuurtan la wada og yahay in lagu takrifalaayo ay iyadu tahay dawlad dumin, sababtoo ah waxay sii xoojinaysaa nacaybka iyo kala qaybsanaanta bulshada, waxayna gabi ahaan meesha ka saaraysaa dareenkii dawladnimo ee ku salaysan wax wada qabsi iyo adeeg.

Halka joojinta bixinta cashuurtu haddii ay muwaadiniintu nala qaataan ay abuuri doonto jawi isla xisaabtan, kaasoo udub dhexaad u ah dawlad wanaagga.

Ilaahoow na garansii dantayada… na waafajina in aanu dantaayada raacno… aamiin.