Noloshii Kofi Annan: Madaxii QM Iyo Ku Guulaystihii Jaa’isadda Abaalmarinta Nobel Peace Prize

0
118

Waxa Uu Ahaa Iskuulkiisa Kuleejada Ah (College) Ee Ku Yaallay Galbeedka Africa Meesha Uu Kofi Annan – Ninka Marka Dambe Noqon Doona Dublamaasiga Ugu Sarreeya Caalamka – Ka Bartay Mid Ka Mid Ah Casharradiisii Ugu Muhiimsanaa.

Casharkaas waxa uu ahaa, sida uu goor dambe sheegay “In xanuun kasta oo la dareemo uu khuseeyo dadka oo dhan meel kasta oo ay joogaan”. Fikraddaas waxay u muuqatay mid uu si dhab ah Annan ugu dhaqmayay intii uu noolaa oo idil, waxaana ay sababtay in uu door muhiim ah ka ciyaaro xal u helidda dhibaatooyinka ka jiray dunida, sida saameynta HIV/Aids, dagaalkii Ciraaq iyo is beddelka cimilada. Howlihii uu ka soo qabtay arrimaha bani’aadannimada waxa ay sahleen in uu ku guuleysto abaal marinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobel Peace Prize, balse waxa ay sidoo kale u soo jiideen xoogaa dhaleeceyn ah. Annan, oo ah ninkii ugu horreeyay ee Afrikaanka madow ah ee hogaanka u qabta Qaramada Midoobay waxa uu noqday mid ka mid ah diblamaasiyiinta ugu caansanaa ee soo maray taariikhda casriga ah.

Wakhtiyada Is Baddalayay

Kofi Atta Annan iyo walaashii Efua Atta oo mataano ahaa waxa ay bishii April ee sannadkii 1938-kii ku dhasheen magaalada Kumasi ee dalka Ghana oo xilligaas loo yaqaannay xeebta dahabiga ah. Marka la isku keeno magaca hore ee mataanaha oo ah ‘Kofi iyo Efua’ micnohoodu waa “waxay dhasheen Jimce” oo luuqadda ‘Akan’ ah, halka magaca dhexe ee ‘Atta’ oo ay isla wadaagaanna uu micnihiisu yahay “mataano”.

Waxa uu ku soo dhex koray qoys maal qabeen ah – awooweyaashiis waxa ay ahaayeen hogaamiyeyaal dhaqameed, halka aabihiisna uu soo noqday barasaab gobol – waxa uuna kusoo barbaaray waddan markaas wali ku jiray gacanta gumeysiga. Labo maalmood ka hor inta uusan diblamaasiga mustaqbalka galin da’diisa sannadka 19-aad waxa uu dalkiisa qaatay xoriyadda, waxa uuna noqday Ghana. Xitaa markii uu weynaaday Annan wuu ka sheekeyn jiray saameynta farxadeed ee ay ku yeelatay helitaanka xorriyadda. “Waxaan bannaanka u soo baxay anigoo dhallinyaro ah oo aaminsan in is baddal uu suurta gal yahay, ” sidaas ayuu koox ay isla joogeen Canada ku yiri sannadkii 2012-kii. Ka dib markii uu jaamacaddiisa hore ku dhameystay Ghana oo markaas cusbeyd, waxa uu waxbarashadiisa labaad ee dhanka jaamacadda ka dhigtay waddanka Mareykanka. Isla markii uu waxbarashada heerka labaad ee jaamacadda dhameystay shaqadiisii ugu horreysay waxa uu la billaabay Qaramada Midoobay.

Booskaas shaqo waxa uu ahaa – mid ka mid ah howl wadeennada dhinaca maaliyadda ee hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) oo ka tirsan Qaramada Midoobay. Markii uu qabanayay shaqadaas waxba kama uusan ogeyn in muddo 40 sano ah oo xilligaas soo socotay ay xirfaddiisa sii jireyso, ayna heerka ugu sarreysa gaareyso sannadkii 1997-kii, markaasoo loo doortay in uu noqdo xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay. Laakiin inta uusan halkaas gaarin waxa uu wajahay mid ka mid ah fadeexadihii ugu waaweynaa ee soo maray shaqadiisa.

Xasuuq Isir Naceyb Ah

Sannadkii 1993-kii , Annan waxa uu ka shaqo billaabay xafiiska xoghayaha guud ee QM waxaana madax looga dhigay howlaha nabad ilaalinta. Sannadkii xigay dad gaaraya 800,000 oo isugu jira qabiillada Tutsiga iyo Huutuuga qunyar socodka ah ayaa lagu xasuuqay dalka Rwanda muddo 100 maalmood gudahood ah.

Ka dib, sannadkii 1995-kii ilaa 8,000 oo muslimiin ah ayay ciidamada Serbia ku laayeen waxa loogu yeeray goobta amaanka ah ee Qaramada Midoobay oo ku taallay Bosnia. Labadaas dhacdaba waxa uu culeys xooggan ka soo wajahay Annan iyo waaxda uu masuulka ka ahaa ee Qaramada Midoobay – gaar ahaan markii ay soo shaac baxday in waaxdiisa nabad ilaalinta QM ay iska dhega tirtay macluumaad badan oo loo soo gudbiyay, kuwaasoo ka digayay in xasuuq laga maleeyayay Rwanda.

Markii la xusayay sannad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay xasuuqaas, Annan waxa uu qirtay sida uu uga gaabiyay ka hor tagidda xasuuqaas baahsanaa. “Aniga qudhayda, maadaama aan wakhtigaas ahaa madaxa howlaha nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay waxaan dalal fara badan u diray ciidamo,” ayuu yidhi sannadkii 2004-tii. ” Waxaan aaminsanaa xilligaas inaan sameynayay waxa ugu fiican”. “Balse waxaan garowsaday xasuuqa ka dib in aan xilligaas qaban karay waxyaabo badan ayna ahayd inaan qabto si aan gacan uga geysto ka hor tagidda xasuuqa. Xasuustaan xanuunka badan oo ay ka mid tahay wixii ka dhacay Bosnia and Herzegovina, waxay saameyn ku yeelatay qaabka aan u fakaro iyo qaar badan oo ka mid ah ficilladeyda, maadaama aan ahay xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay” ayuu yidhi. Iyadoo ay jirtay fadeexaddaas, ayaa sannadkii 1997-kii isagoo 59 jir ah wuxuu Annan ku guuleystay in uu baddalo Boutros Boutros-Ghali, isagoo noqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Is qab-qabsi

Annan waxa uu dhaxlay xukunka hay’ad 52 sano ka dib aasaaskeeda uu culeys badan saarnaa, deyn fara badanna lagu lahaa. Waxa uu dib u habeyn ku sameeyay howlaha QM, isagoo shaqo dhimis fara badanna sameeyay si uu Mareykanka u siiyo deymo uu ku lahaa QM. Waxa uu sidoo kale dadaallo u galay in wax laga qabto saameynta cudurka AIDS-ka.

Balse ma ahayn shaqo fudud.

“Waxaan odhan jiray xarfaha SG looma soo gaabin xoghayaha-guud ee waxaa loo soo gaabiyay ri’-baxsad ah” ayuu ku yidhi BBC-da. Sannadkii 2001-dii Annan iyo Qaramada Midoobay waxaa la guddoonsiiyay abaar marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize. Abaal marinta waxaa si toos ah loogu magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo aad loogu ammaanay dadaallada uu ka sameeyay arrimaha bani’aadannimada. Isla sannadkaas ayuu dib ugu guuleystay doorashada xilka xoghayenimo. Laakiin dhibaatooyinka way sii socdeen.

Fadeexad

Sannadkii 2003-dii, Mareykanka oo ahaa mid ka mid ah dhinacyada ugu waaweyn ee taageera Annan ayaa ku dhawaaqay in uu dagaal ku qaadayo Ciraaq. Ugu dambeyntii Mareykanka waxa uu ka tallaabsaday Qaramada Midoobay waxa uuna weerar ku qaaday Ciraaq isagoo kaashanaya xulafo iskood u raacday. Arrintaas waxa ay xurguf ka dhex abuurtay Annan iyo waddanka ugu quwadda weyn aduunka. Goor dambe ayuu wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in tallaabadii weerarkaas lagu qaaday ay ahay mid sharci darro ah. Kala qeybsanaantaan cusub ee u dhaxeysay Annan iyo Mareykanka waxa ay sababtay in ay dhibaatooyin soo wajahaan isaga, ka dib markii ay soo baxday sannadkii 2004-tii “fadeexadda saliid cunto ku baddalashada” taasoo wiiqday Xoghayaha guud shaqo ahaan iyo shakhsi ahaanba.

Kofi Annan: taariikhaha muhiimka u ah

1938: Waxa uu ku dhashay magaalada Kumasi, oo hadda ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ghana.

1962: Waxa uu ka shaqo billaabay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, Switzerland .

1965: Waxa uu guursaday Titi Alakija. Waxay leeyihiin labo carruur ah, wiil iyo gabar.

1984: Waxa uu guursaday Nane Lagergren.

1991: Waxaa geeriyootay walaashiisii mataanta la ahayd ee Efua.

1993: Waxa uu noqday madaxa howlaha nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

1997: Waxaa loo xushay in uu noqdo xog hayihii guud ee toddobaad ee Qaramada Midoobay.

2001: Waxa uu ku guuleystay abaal marinta Nobel Peace Prize.

2006: Waxa uu ka dagay xilka Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay 10 sano ka dib.

2012: Waxa uu noqday xog hayaha gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan jaamacadda carabta gaar ahaan arrimaha Syria.

2013: Waxa uu ka noqday madaxa duqeyda urur u dooda nabadda.

2016: Waxa uu hogaamiyay guddi la talin ah oo aaday gobolka Rakhine State, Myanmar.

Barnaamijka saliidda oo billowday sannadkii 1996-kii ayaa ku qotomay in saliid xaddidan laga iibiyo Ciraaq oo ay cuna qabateyn saarneyd isla markaana loogu baddalo adeegyada bani’aadannimada sida cuntada.

Howshaas ayaa muddo gaaban ka dib waxaa is hor taagay qaar ka mid ah dhinacyada ku lugta lahaa, sida kuwa ka ganacsada, saaraakiisha QM, siyaasiyiinta caalamiga ah iyo diblomaasiyiin.

Balse dhibaatada ayaa sii korortay markii ay soo baxday in wiilka kaliya ee uu Annan dhalay oo lagu magacaabo Kojo, uu lacago laaluush ah ka helay shirkad loo igmaday in ay kormeerto habsami u socodka barnaamijkaas cunto saliid ku baddalashada ah.

Baadhitaanno la sameeyay ayaa sannadkii xigay xaqiijiyay in uusan wiilkiisa ku taageerin arrintaas, hase ahaatee waxaa lagu helay in uu ka gaabiyay la socodka howlaha barnaamijka.

Mareykanka gudihiisa, siyaasiyiin fara badan ayaa ka dalbaday in uu xilka iska casilo. Jawaabtiisu waxa ay ahayd “Maya, lagama yaabo.”

Howlgabnimo

Laakiin 18 bilood ka dib, bishii December ee sannadkii 2006-dii, xilka ayuu isaga dagay. Markaas waxa uu ku dhawaa da’da 70 sano.

Isaga iyo xaaskiisa labaad, oo ah qareen u dhalatay Sweden oo lagu magacaabo Nane Marie Lagergren, ayna is guursadeen sannadkii 1984-kii ayaa marki uu xilka iska casilay waxa ay go’aansadeen in ay aadaan dalka Talyaaniga si ay lix isbuuc ugu soo nastaan.

Wargeyska The Guardian, ayaa soo tabiyay in markii uu halkaas hal isbuuc joogayba uu ku caajisay – waxaa ku soo xoomay dad dhallinyaro ah oo doonayay in uu sawirro la galo.

Nasiib darro, waxa ay ku khaldayeen jilaaga filimada ee Mareykanka ah ee lagu magacaabo Morgan Freeman.

Isagoo aan dooneynin in uu niyadda ka jabiyo ayuu qalin ugu saxiixay magaca Mr Freeman ka dibna wuu ka cararay.

Sannadkii 2007-dii ayuu aasaasay hay’ad uu ku magacaabay Kofi Annan Foundation taasoo uu ugu tala galay in ay ka shaqeyso arrimaha la xiriira horumarka dunida, amniga iyo nabadda.

Sannadkii xigay, waxa uu dabcan hogaamiyay howlgalkiisii diblomaasiyadeed ee soo hooyay guusha ugu wanaagsan.

Waxa uu gacan ka geystay dhismaha heshiis dowlad awood qeybsi ah oo dhex maray hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, iyo madaxweynihii hore, Mwai Kibaki.

Heshiiskaas ayaa soo af jaray qalalaase daba socday muran ka dhashay doorashadii Kenya ka dhacday sannadkii 2007-dii, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 1,000 qof, halka 300,000 oo ruuxna ay ku bara kaceen.

Sannadkii 2012-kii waxaa loo magacaabay in uu noqdo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo markaas u matalayay jaamacadda Carabta, si la isugu dayo in xal loo helo colaadda Suuriya.

Sannadkii xigay, Annan waxaa loo magacaabay in uu madax ka noqdo ururka duqeyda, oo ah urur uu aasaasay madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Nelson Mandela, kaasoo ay ujeeddadiisa tahay in la isu keeno hogaamiyeyaashii hore ee caalamka si ay wada jir uga shaqeeyaan arrimaha nabadda iyo xuquuqda aadanaha.

Sannadkii 2016-kii, ka dib codsi uga yimid hogaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi, waxa uu hor kacay guddi madax bannaan oo baaritaan ku soo sameeyay xasaradaha la xiriira qowmiyadda Rohingya ee ka jira dalkaas.

Annan waxa uu sii waday in uu ka shaqeeyo arrimaha saameynta ku leh caalamka sida isbaddalka cimilada iyo dhibaatooyinka kale. “Waxaan ogaaday in howl gabnimada ay tahay shaqo adag” ayuu Annan isagoo kaftamaya ku yiri wareysi ay BBC-da la yeelatay markii uu u dabaal dagayay munaasabadda dhalashadiisa 80-aad. Xigasho: BBC-somali

 

Kaafimedia Hargeisa Office.