“Madaxweynaha Waxaanu Leenahay, Maaha Inaad Tidhaahdo Wax Walba Anigaa Garanaya Ee Dadkaaga La Tasho..” Sheekh Aadan-Siiro.

0
418

Hargeysa (Kaafimedia) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Marxaladda xilliga ay Somaliland marayso, waxaanu Madaxweynaha u soo jeediyey inuu la tashado Dadkiisa, si midnimo loogaga gudbo Marxaladdan Dalku marayo.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa Dadweynaha uga jeediyey Garoonka Xaafadda Xawaadle Salaaddii Ciidda Carafo ee Maanta ka dib, ayaa Madaxweynaha u soo jeediyey inuu Albaabada u furo Aqoonyahannada iyo Dadka Tal-qabeenka ah ee doonaya inay la taliyaan, si buu yidhi Midnimo loogaga gudbo Marxaladda Dalku marayo.

Sheekh Aadan-Siiro oo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Walaalayaal maaha inaan idiin sheego waxaad jeceshihiin ama waxaan jecelahay, laakiin waa inaan idiin sheego waxa la idinla gudboon ee if iyo aakhiro aynu ku nabadgalayno ee dalkani ku dhismayo ee uu wax ku noqonayo.  Xukuumadda Maanta talada haysa waxaanu kula talinaynaa Gudo iyo Dibedba cabasho badan baa ka jirta, waxaanu kula talinaynaa inay Talada badiso, Dadkii Khibradda iyo aqoonta lahaa ee Dalkan qiimaha weyn ku lahaa ee lagu tuhmayey Cilmiga iyo Garashada oo la leeyahay qaarkood Albaabaddu way ka xidhan yihiin, inay ka tashato si Dalkani ugu horumaro.”

Sheekh Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warramay sidii Nebiyullaahi Muxamed (CSW) uu Saxaabada ula tashan jiray marka Arrimuhu ku adkaadaan “Rasuulku (CSW) marka ay ku adkaato sida markii uu ku jiray Dagaalkii Beder, wuxuu celcelinayey ‘Dadyahow Xaalad adag baynu ku jirnaa ee hala ii tilmaamo sida habboon’ ayuu Rasuulku (CSW) ku celceliyey Saddex jeer, dabadeedna waxa istaagay Abubakar, markaas ayuu aad u hadlay, dabadeedna Rasuulka (CSW) ayaa yidhi ‘waad Wanaagsan tahay ee iska fadhiiso’, haddana waxa istaagay Miqdaad binu Camar, isaguna talo badan ayuu jeediyey, Rasuulku (CSW) wuxuu isagana ku yidhi iska fadhiiso Adiguna, haddana Rasuulku (CSW) wuxuu mar kale ku celceliyey ‘hala ii tilmaamo halka wanaaggu yahay. Maalintaas Rasuulku (CSW) wuxuu doonayey inay Ansaartu hadlaan, Ansaartu Maalintaa dagaalka waxay Ciidanka ka ahaayeen 78%, Muhaajiriinta hadashayna waxay ka ahaayeen boqolkiiba dhowr iyo labaatan, Maalintaasi Maaddaama oo Ansaartu Ciidanka u badnaayeen Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi iyagu ha hadlaan, dabadeedna Saxaabi ka mid ahaa Saxaabadii Ansaarta ayaa hadlay oo Nebiga (CSW) si wanaagsan u tilmaamay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Dadka Ururriya, Nin aan Dadkiisa ururrin Cid iskama celiyo ama ha noqdo Cadow gudaha ah ama ha noqdo Cadow dibedda ah, Rasuulkana (CSW) waxa sifooyinkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi ‘Hoggaamiyuhu waa mid Dadka ururiya oo lagu soo ururro, Khayr malaha Hoggaamiye aan Dadka Ururin oo aan lagu soo ururin’ ayuu yidhi Rasuulku (CSW), sidaa darteed si aynu Marxaladdan uga baxno Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khayr badan aynu ku tuhmayno waxaanu leenahay Waar Dadkaaga la tasho, Waar Ummaddii halgankan gashay ururri oo meel iskugu keen. Dagaalku waa Xeelad ee maaha Xoog iyo tiro, maaha inaad Maskaxdaada oo keliya fuusho, maaha inaad tidhaahdo wax walba Anigaa garanaya.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka hadlay oo kale “Madaxweynaha waxaanu leenahay Waar Dadka la tasho oo Albaabada u fur inta Caqliga, Cilmiga iyo kartida leh, waar wax ka waydii arrimaha dibedda, wax ka waydii Arrimaha gudaha, wax ka waydii Arrimaha dagaalka, wax ka waydii Duruufaha innagu xeeran. Boqol Caqli haddaad doonto inaad keligaa ka hor tagto boqol gool ayaa lagaa dhalinayaa, Nin aan la tashan Dadkiisa Caqliga iyo Cilmiga lehna wuu jabayaa, sidaa darteed Xukuumadda waxaanu leenahay Talada badsada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Dadka Mucaaradka ah “Waxaan la hadlayaa Dadka Mucaaradka ah, waxaan leeyahay Walaalayaal Dadkani waa Dad yar, maaha Dad kala maarmaya, markay wax innaga gedmaan waxaynu kaga bixi jirnay inaynu wada tashano oo Miiska la iskugu yimaaddo, laakiin waa markii ugu horreysay ee Somaliland gudaheeda Jabhadi inta ay baxdo tidhaahdo Somaliland baanu la dagaalamaynaa, waa arrin aan qaban Dadkan, waa arrin aan qabanin Halgankii Ummaddu soo gashay, waa arrin aan qaban konton kun oo Qof oo aynu Dalkan (Xornimadiisa) u qaddinay.”

Ugu dambayn, Sheekh Aadan-siiro wuxuu Madaxweynaha kula taliyey “Waxaanu leenahay Madaxweynaha Waar Dadkaaga la tasho, maaha inay iyagu kuu yimaaddaan ee waa inaad Adigu mid walba halkiisa ugu tagto, waa inaad Suuba-salaaxdo, waa in waxay doonayaan la siiyo, innaga oo uga jeedna in Marxaladdan aynu marayno in Innaga oo mid ah aynu ka baxno, Rag gogoshii waa Caddaalad, Haddii Caddaalad la waayo Nabadi ma jirayso, waar Dalkan hala wada yeesho oo ha loo sinaado, Dalkan khayraadkiisa hala wada yeesho, Taladiisa hala wada yeesho.”ayuu yidhi.

Kaafimedia Hargeisa Office.