Cabdi Maxamuud Cumar Oo Xabsi la geeyay + Hub Iyo Rasaas Laga Helay Guriga Uu Addis Ababa Ka Deganaa iyo Dareenadda Ku Gadamaan.

0
156

Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo bil xabsi guri ku ahaa Addis ababa ayaa ay ciidanku ka kaxeeyeen, waxaana la gaynayaa xabsi.

Telefiishenka Itoobiya ayaa baahiyay muqaalka madaxweynihii xukunka laga tuuray ee DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ciidanka Federaalka ka kaxaynayaan guriga uu ka degan yahay magaaladda Addis ababa.

Geesta kale telefishenka Etv waxa uu baahiyay muuqaalka hub isugu jira qoriga AK 47 ah iyo baastoolado, kuwaas oo laga dhex helay aqalka Cabdi Maxamuud Cumar.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud uu heli Garsoor iyo maxkamad caddaalada.

Kaafimedia Hargeisa Office.