Dawladda Hoose Ee Caasimadda Oo Digniin Iyo Baaq Cusub U Dirtay Dadweynaha Reer Hargeysa.

0
66

Hargeysa, 27 August, 2018 (Kaafimedia)-Xoghayaha Fulinta dawladda Hoose ee Hargeysa Axmed Aadan Yoonis (Juxo), ayaa Shacabka ku dhaqan Caasimadda digniin u diray, isla markaana waxa uu ugu baaqay inay Nadaafadda ilaaliyaan xilli-roobaadkan lagu jiro.

Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Hargeysa oo Shalay Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Xafiiskiisa xarunta dawladda Hoose uu sheegay inay gannaax lacageed iyo xadhig ku abaal-marin doonaan Dadka Daadka raaciya Xashiishka waxaanu yidhi, “Qodaxda laga qaado Dariiqa iimaankay kobcisaa, Xashiish Daadka la soo raacinayo oo Shaaracyada la keenayaana waa dembi, Immika waxaannu samayn doonnaa Gannaax lacageed iyo Xadhig baannu isugu dari doonnaa ciddii Daadka Roobka Xashiishka ku dara ama soo raaciya.” Xoghaye Juxa waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Qodobka labaad waxa weeye, magaaladii waxa buuxiyey Dhagaxaan, Dariiq walba iyo Seked walba Dhagax baa yaalla, sidaa daraaddeed, Dadka waxaannu u sheegaynaa inay Dhagaxaantooda ka hor-qaadaan Guryaha, hadday ka hor-qaadi waayaan, waxaannu bilaabaynaa Olole aannu ku guranayno Dhagaxantaas, Dhagaxaantaasi Biyihii ayey ku qabteen magaaladii, markaa waannu guraynaa, laagaha ayaannu uga faa’iidaysanaynaa.”

Xoghayaha dawladda Hoose waxa uu ugu baaqay Dadka Faylashu ka yaallaan Dawladda hoose inay toddoba cisho gudohood ku doontaan, isaga oo sheegay inay seesaska bilaa sharciga ah burburin doonaan, waxaanu yidhi; “Dadka Seesaska Sharci-darrada ah caadaystay, kuwii hore waannu ka duminaynaa, Sees bilaa Sharci ah oo dhisnaanayaa ma jiro, Ninkii Seeskiisu sharciga waafaqsaneyn ha sharciyeysto. Dadka Xafiisyada Dhulka ee Dawladda hoose Faylashu ka yaallaan oo intay soo bilaabeen Sharciga dhexda kaga hadhay faylashaas oo aan naga dhammaystirmin, waxaannu u sheegaynaa inay toddoba cisho gudohood ku soo doontaan Faylashooda, toddoba cisho ka dib waannu kansal-garaynaynaa.” Waxa uu Xoghayuhu sheegay inay bilaabayaan Dhismayaal lagu badbaadinayo Waddooyinka, isla markaana dariiqyo loogu bannaynayo Biyaha dhex-fadhiista gudaha Caasimadda Hargeysa, sida uu hadalka u dhigay.

Kaafimedia Hargeisa Office.