Deraasadd Cusub Oo Lagu Cadeeyay In Diiqada Hooyada Uurka Lehi Saamayn Ku Yeelato Ilmaha Caloosheeda Ku Jira Caafimaadkiisa !

0
84

Diiqada oo ah halista soo waajahda dada badan oo Dunida ku nool laguna tilmaamay inay tahay Cudurka Casirgani ayaa waxa la xaqiijiyay inay dhibaato soo gaadhsiiso hooyada Uurka leh, sidoo kalena ay saamayn caafimaad ku yeelato Ilmaha uurka ku jira kadib marka uu dhasho.

Deraasaddan oo lagu soo bandhigay Dawrada Cilmiga ah ee arrimaha Wararka iyo Diiqada ee Periodic Depression And Anxiety oo Wargyska Himilo ka soo Turjumay ayaa waxa lagu cadeeyay in diiqada Hooyada Uurka leh ay saamayn ku yeelato qaabka ay u shaqayso Maskaxda Ilmaha yari marka uu dhasho.

Khabiirada Caafimaadka ee Ruth Feldman oo hoggaaminaysay khubarada deraasadani daah furay ayaa wareysi ay siisay Rueuters Health waxay ku sheegtay in saamaynta ay diiqadu ku leedahay jidhka ay weheliso saamayn nafsi ah, sidaasi awgeedna uu ilmahaa yar ee uurka kula jaan qaadayo xaaladaasi nafsiga ah, taasina waxay ilmaha yar u horseedaysaa xaalad nafsi ah oo aad u liidata.

Khabiirada Ruth iyo kooxda ay hoggaaminaysay ayaa waxay deraaseeyeen xaaladda 125 carruur yar yar oo dhalatay ilaa iyo intii ay ka gaadhayeen 10 jir waxaanay natiijadii ka soo baxday ay noqotay in Carruurta ay Hooyooyinkoodu diiqadaysnaayeen xilligii ay uurka lahaayeen ay ka warwar iyo walaalo badan yihiin kuwa aanay hooyadood diiqadoonin xilligi ay uurka lahaayeen.

Kaafimedia Hargeisa Office/