Ururka Onlf Iyo Dawladda Faderaalka Itoobiya Oo Heshiis Lagu Sheegay Taariikhi Kala Saxeexday Iyo Dhaqaajinta Arintaasi Oo Toos Loo Hoos Geeyay Xafiiska Raysal Wasaare Abiye Axmed.

0
264

“Waxa Heshiiskaasi Lagu Soo Khatimay Xafiiska Raysal Wasaaraha,Waxaana Laga Soo Saaray Qodobo Door Ah Oo Bud Dhig U Noqon Doona Heshiis,Iyadoo Xafiis U Gaar Ahna Loo Sameeyay.

Adis Ababa(Kaafimedia) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis  la gashay Jabhadda xorraynta Ogaadenia ee loosoo gaabiyo ONLF, taasoo in ka badan Tobban sannadood dagaalo uu ku daatay dhiig fara badani ka waday dhulka Soomaali Gabeed ee Dalka Itoobiya.

Fitsum Arega, oo ah Agaasimaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskan ay la gaadheen ONLF ay qayb ka yihiin Jabhado kale, kuwaasoo wadankan Geeska Afrika ku yaala ka waday kacdoon dhiig badani ku daartay.

Qodobada Heshiiska waxaa kamid ah; Hubka-dhigis, kala diris dagaalyanada ONLF iyo in dhaqan-celin loo sameeyo, kadibna lagu biiriyo Ciidamada dowladda Dalka Itoobiya.

Hub ka dhigis iyo dib usoo dhex-gelidda shacabka ayuu sheegay Madaxa Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya inuu ku khatimay heshiiska, isaga oo carabka ku dhuftay in la sameeyay Xafiis, kaasoo ka shaqaynaya dar-dargelinta heshiiskan.

Wasiirka Ciyaaraha ee dowladda Itoobiya, Tesfaye Yegezu ayuu sheegay Fitsum Arega inuu hogaamin doono mashruuca Hub ka dhigista loogu samaynayo Jabhadda, isagoo daboolka ka qaaday inuu si toos ah u hoos tegi doono xafiiska Raysal Wasaaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku waramayaa in Jabhadda heshiiska ay la gaadhay dowladda ay kala yihiin; ONLF, OLF oo ah jabhad udagaalamaysay xorraynta Oromadda iyo Patriotic Ginbot 7 [PG7] oo ah urur mucaarad ah oo hubeysan.

Saddexdan kooxood ayaa weeraro culus ka fulin jiray gudaha dalka Itoobiya, laakiin markii uu Abiy Axmed la wareegay xafiiskii bishii April ee sanadkan ayuu siyaabo kala duwan kulamo gaar-gaar ah ula yeeshay, taasoo soo dadajisay heshiiskan.

Foore

Kaafimedia